Baarlamaanada Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Suudaan oo Heshiis kala saxiixday

Khartuum – (warsoor) – Guddoomiyaha Golaha shacabka Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Suudaan ayaa heshiis wada shaqeyn Labada Baarlamaan ku kala saxiixday Caasimada dalka Suudaan ee Khartuum.

Heshiiska ay wada saxiixdeen Gudoomiyaha golaha shacabka ee JFS iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Suudaan ayaa ku saleysan wada shaqeynta labada Dowladooda ee Soomaaliya iyo Suudaan gaar ahaan labada Baarlamaan.

Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo ah habdhowraha golaha Shacabka oo la hadlay Warbaahinta qaranka ayaan sheegay in heshiiska uu  ka kooban yahay Sagaal qodob oo xoojinaya wada shaqeynta iyo iskaashiga labada Baarlamaan.

Qodobada labada Gudoomiye ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah in labada dhinac ay is dhaafsdaan qubaro dhinaca sharciga, in ay xiriir iyo iskaashi gaar ah yeeshaan xubnaha labada Baarlamaan u matalaya baarlamaanada aduunka iyo sidoo kale in dhinaca aqoonta la iska kaashado.

 

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.