Baanka Dhexe ee Somaliland iyo Shirkadda Maaliyadaha Ka Shaqeeya oo Ogolaaday Isticmaalka Nooqda $50

Hargeysa – (WARSOOR) – Kulan uu soo qabanqaabiyay Baanka Dhexe ee JSL oo ay ka soo qayb galeen dhamaan Haayaddaha Maaliyaddeed ee dalku oo ay ka mid yihiin Baananka, Xawaaladdaha, sarriflayaasha, iyo Ruugta Ganacsiga ayaa ku qabsoomay xarunta dhexe ee Baanka Jamhuuriyadda Somaliland ee magaalada Hargeisa, kulankaas oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL, Mudane Cali Ibraahim Jaamac.

Kulankan waxaa si qoto dheer loogaga wada hadlay socodsiinta Noodhka $50 oo hakad galay muddooyinkii ugu danbeeyay, iyo siddii si wada jir ah looga hortagi lahaa lacagaha foojariga ah.

Ugu horayn, waxaa kulankan ka hadlay dhamaan madaxdii Haayaddaha Maaliyaddeed ee ka soo qayb galay shirka oo ay mid ahaayeen.1. Dahabshiil Bank2. Daarasalaam Bank3. Premier Bank4. Amal Bank5. Adeegyadda Zaad iyo E-Dahab6. Ururka Xawaaladdaha7. Ururka Sarriflayaasha iyo8. Rugta Ganacsiga.

waxa na ay bulshadda si wadajir ah ugu caddeeyeen in noodhka $50 ee saxda ah qaadanayaan, isla markana bixinayaan, maadaama oo uu la mid tahay noodhadhka kale ee doolar ah ee dalka lagu isticmaalno, waxaa kale oo ay sheegeen in ay keensadeen qalabkii lagu kala ogaanayay noodhadhka foojariga ah iyo ka saxda ah.

Ugu danbayntii, Waxaa kulanka soo afmeeray Guddoomiyaha Baanka Dhexe Mudane Cali Ibraahim Jaamac. Guddoomiyuhu waxaa uu bulshadda u sheegay in ay isticmaalaan Noodhka $50 doolar ah, waxa na uu Haayaddaha Maaliyaddeed ee dalka ugu bushaareeyay in Baanka Dhexe ee JSL uu dhibane ka noqon doono dhamaan dacwaddaha la xidhiidha lacagaha Foojariga ah.Wabilaahi Tawfiq.

Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha iyo Arrimaha Dibadda

Baanka Dhexe ee JSL