Baanka Dhexe Ee JSL oo Shaaca Ka Qaaday In La Ogolaadaay Isticamaalka Lacagta 50$ Dollar Oo Baanku Hore U Hakiyay.

Hargeysa (SOLNA) – Baanka dhexe ee Somaliland ayaa daboolka ka qaaday in la fasaxay isticimaalka Lacagta Kontonka dollar ee Maraykanka ee aan been abuurka ahayn oo hore baanka dhexe u hakiyey.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska gudoomiyaha baanka dhexe ee JSL Caali Ibraahin Jaamac Baqdaadi, soona gadhay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa u dhignaa sidan;-

Baanka Dhexe ee JSL waxa uu hore u hakiyey isticmaalka Noodhadhka kontonka Doolar, markii ay noo caddaatay in ay suuqyada JSL soo galeen noodhadh been-abuur ah, oo aanay qabanayn mashiinnada aqoonsada lacagta been-abuurka ah.

Haddaba, xog ururin iyo xog-warran aanu ka helnay Baananka iyo Hay’adaha Maaliyadeed ee waawayn ee dalka ka hawl-gala, waxay noo sheegeen in ay keeneen Mashiino Casri ah oo lagu aqoonsan karo lacagta macmalka ah.

Sidaa awgeed, waxa uu Baanka Dhexe ee JSL ogaysiinayaa Baananka, Sarriflayaasha, Hay’adaha Maalayadeed iyo guud ahaan Bulsho-waynta Somaliland, in uu Baanka Dhexe fasaxay isticmaalka noodhadhka lacagta 50 doolar ah ee aan been-abuurka ahayn.

Ugu dambayn war saxaafadeedkan ka soo baxay baanka dhexe ee JSL waxa kale oo lagu yidhi:-

Waxa aanu Bulshada ku war-gelinaynaa in Baanka Dhexe ee JSL uu masuul ka yahay Daabacaadda, Kaydinta, Daryeelka, Wareejinta iyo Beddelka Shillinka Somaliland oo qudha, balse aanu masuul ka ahayn beddelaadda doolarka Maraykanka iyo lacagaha qalaad ee kale.

Nuqulka Warsaxaafadeedka Gudoomiyaha Baanka dhexe Halkan hoose ka akhri: