Baanka Daara-salaam oo Abaal-marino Guddoonsiiyey Shaqaalihi Hawl-karnimadda iyo Dadaalka Muujiyey Sanadkii 2016

Hargeysa – (warsoor) – Banka Caalamiga ah ee DAARA-SALAAM Bank ayaa abaal-marino qaaliya gudoonsiiyey shaqaale weynaha baanka ee sanadkii 2016-kii oo soo bandhigay hawl-karnimo iyo dadaal dheeraad ah oo ay ku qabteen hawlaha iyo adeegyadda ay bulshadda u hayaan.

Xafladan lagu abaal-marinaayey shaqaale weynaha Daara-salaam Banka oo ka dhacday huteel Maamuus ee magaaladda Hargeysa habeenimaddii Jimcaha, waxa ka soo qayb-galay maamulka sare ee TELESOM GROUP iyo Maamulka iyo shaqaalaha guud ee goboladda dalka ee DAARA-SALAAM Bank.

Ugu horayn waxaa xafladda si rasmi ah u furay gudoomiyaha DAARA-SALAAM Banka Md. Maxamed Ibraahi Xaaji Muuse waxaanu shaqaalaha Baanka ku hambalyeeyey shaqadii wanaagsanayd ee ay sanadkii dhamaaday ay u qabteen Banka iyo bulshadda Somaliland, waxaanu shaqaalaha ku amaanay dadaal, hawl-karnimo, daacadnimo, amaan iyo hab-dhaqan wanaagsan oo ay ugu adeegaan macmiisha banka, waxaanu ku dhiiri-galiyey inay sii laban laabaan dadaalka iyo shaqadda wanaagsan ee ay bulshadda u hayaan.

Maamule Ku-xigeenka Baanka DAARA-SALAAM Bank Md. Cabdiqani Xariir oo ka hadlay marxaladdiihii baanku soo maray iyo sidii ay ku bilaabeen shaqadda, ayaa si gaar ah ugu mahadnaqay shaqaalaha iyo masuuliyiin Laamaha baanku ku leeyahay goboladda iyo magaaladda Hargeysa oo uu sheegay inay si hufan oo hawl-karnimo ah uga soo baxeen shaqooyinkii loo igmaday iyo masuuliyiinta maaliyaddeed ee lagu aaminay.

La Taliyaha Arimaha Sharciga ee DAARA-SALAAM iyo TELESOM GROUP Marwo Ilhaan Daahir Xasan ayaa soo bandhigtey siyaasad laga hortagaayo lacaaha sharciga ah, waxaanay shaqaalaha ay ku wacyi-galisay waxa ay tahay lacagta sharci darrada ah iyo sida ay shaqaalaha baanku uga digtoonan karaan iyo hababka looga ilaaliyo in Banka ay soo gasho lacagaha sharcidaradda ah. La Taliyaha Arimaha Sharciga ee Telesom Group ayaa sheegtay in tababar faahfaahsan shaqaalaha mar kasta la siin doono.

Cabdinaasir Siciid Sulub Maamulaha Shaqadda iyo Shaqaalaha Daara-salaam Baan ayaa ka warbixiyey habkii loo soo sameeyey qiimaynta shaqaalaha, waxaanu sheegay in qiimaynta shaqaaluhu ay soo marto dhawr jaran-jaro oo kala duwan, jaran-jaradda koobaadna ay ka soo bilaabanto maamulaha laanta oo foomka qiimaynta ee uu ku soo sameeyo shaqaalaha si bille ah ugu soo gudbiyo xafiiska shaqadda iyo shaqaalaha ee DAARA-SALAAM.

Qiimaynta shaqaalaha ee lagu saleeyey abaal-marinta shaqaalaha ayaa waxa laga eegaayey qaabka loogu adeego macmiilka, ilaalinta wakhtiga, sida huffan ee shaqadda loo qabtay, xarumaha baanka iyo sida ay maamulkiisa iyo shaqaalihiisu ugu adeegeen macmiisha kala duwan ee Baanka ka isticmaala adeegyadda maaliyadeed.

Maamulaha Laanta DAARA-SALAAM Baan ee magaaladda Boorama oo ku hadlaayey afka shaqaalaha DAARA-SALAAM ayaa maamulka TELESOM GROUP iyo DAARA-SALAAM-ba uga mahadnaqay sida ay u maamuuseen guud ahaan shaqaalaha Baanka gaar ahaan shaqaalaha dadaalka dheeraadka muujiyey ee abaal-marintooda loo qaybatay xafladan lagu sharfayo.

Gudoomiyaha TELESOM GROUP Md. Cabdikariin Maxamed Iid oo ka hadlay xafladan lagu abaal-marinaayey shaqaalaha BAANKA DAARA-SALAAM ayaa ugu horayn shaqaalaha ku hambalyeeyey dadaalkii ay muujiyeen sanadkii dhamaaday, waxaanu sheegay in maamulka Sare ee TELESOM GROUP ay ku dadaali doonaan in ay sii dhisaan aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha ka hawl-gala DAARA-SALAAM. Md.

Cabdikariim Maxamed Iid ayaa sheegay in waxa ugu weyn ee laga sugayaa ay tahay sidii ay u soo saari lahaayeen hogaamiyayaashii bari badali lahaa iyaga, waxaanu ku dhiiri-galiyey shaqaalaha iyo maamulka BAANKA DAARA-SALAAM inay la yimaadaan fikraddo shaqo abuur loogu samaynaayo dhalinyaradda fikradaha ganacsi haya, si kor loogu qaado horumarka dalka.

Ugu dambayn shaqaalaha BAANKA DAARA-SALAAM ayaa abaal-marino iyo shahaadooyin la gudoonsiiyey shaqaalihii kaalmaha hore ka galay qiimayntii muddadda sanadka ahayd lagu samaynaayey, waxaana abaal-marino qaaliya la gudoonsiiyey 22-kii shaqaale ee ugu dhibcaha sareeyey, waxaa iyaguna abaal-marino la gudoonsiiyey shaqaalaha iyo maamulka DAARA-SALAAM BANK intooda badan, waxaana munaasibaddu ku dhammaatey waji farxadeed.

BAANKA DAARA-SALAAM ayaa maal-galin balaadhan ku sameeyey guud ahaa mashaariic ganacsi iyo dhismayaal isugu jir oo laga hirgaliyey goboladda waaweyn ee dalka. Waxaanay mashaariicdaasi kor u qaadeen shaqo abuurka iyo kobaca dhaqaalaha dalka. BAANKA DAAR-SALAAM ayaa sanadkan cusub 2017 qorshaynaya inay sii balaadhiyaan mashaariicda maalgalinta dalka si dalku u gaadho isku filnaansho dheelitiran.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.