Askar Suuriyaana Oo Qarax Lala Beegsaday

SUURIYA – (WARSOOR) – Wakaalladda Wararka Syria ee SANA ayaa sheegtay inay 14 Askari ku geeriyootay Qaraxyo Argagixiso oo saakayto ka dhacay Caasimada dalkaasi ee Dimishiq.

Labada Qarax ayaa waxaa lala beegsaday Bas ay la socdeen Ciiddan oo marayey meel ku dhow Hotelka caanka ee Damarose Hotel ee Bartamaha Dimishiq, iyadoo ay ku dhex gubteen 14 Askari.

Qarax 3aad oo la dhigay Buundada weyn ee Dimishiq ayaa la kala furfuray, kadib, markii Ciiddanka ku takhasusay Miinooyinka lagu wargeliyey in Qarax kale la dhigay meel ku dhow halkii Ciiddanka lagu qarxiyey.

Ma jirto Koox sheegatay mas’uuliyada Qaraxyada Mataanaha ee saakayto ka dhacay Caasimada dalka Syria ee Dimishiq.