Askar ku dhintay Qarax Gaadhi oo Ka Dhacay Muqdisho

Muqdisho – (warsoor) – Saddex askari ayaa ku geeriyood qarax gaadhi loo adeegsaday oo ka dhacay degmadda wadda-jir ee magaaladda Muqdisho, sida ay sheegayaan wararka laga helaayo illaha amaanka.

Askartan ku geeriyootay qaraxan ayaa la sheegay inay ahaayeen askarta sida gaar ah ugu tababaran walaxaha qaraxa. Askartan ayaa isku dayey inay gaadhigan ka furaan Walxaha qarxa oo lagu soo rakibay, waxaana qaraxu dhacay intii ay waddeen isku daygooda.

Ciidamda amaanka ayaa gaadhigan qarxay ka shakiyey ka hor intii aanu qarxin, waxaanay gaadhigan saarnaa laba nin oo dhalinyaro ah. Labadan nin ayaa bilaabeen inay gaadhiga ka dagaan oo ay baxsaddaan. Ciidamadda amaanka ayaa eryaday waxaanay dhaawaceen mid ka mid, halka kii kalena uu ka fakaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.