Arsenal Oo Wadahadalo La Furtay Juventus & Xiddiga Ay Ka Doonayso Oo La Ogaaday

Arsenal ayaa wadahadal furaysa kooxda Juventus si ay uga hesho xiddiga Dejan Kulusevski si ay u helaan suuqa kala iibsiga January sida laga soo xigtay wargayska La Repubblica.

Arsenal ayaa u muuqatay mid ka soo kabsatay qaab ciyaareedkii liitay ee ay ku bilaabatay xilli ciyaareedkan iyaga oo kor u soo kacay kaalinta shanaad ee kala saraynta.

Inkasta oo uu Arteta 150 milyan oo euro suuqa galiyay xagaagii hadana dib u dhiskii Mikel Arteta ee Arsenal ayaa u muuqda mid aan dhamaan.

Sida laga soo xigtay isha aan kor ku soo sheegnay, Gunners ayaa haatan bartilmaameedsaneysa xiddiga xiddiga Juventus ee Dejan Kulusevski suuqa January.

Arsenal ayaa diyaar u ah inay bixiso 25 milyan oo euro iyo waliba 4 milyan oo guno ah si ay u helaan xiddiga garabka ka ciyaara si ay ugu xoojiyaan kooxda.