“Arrintani Waxay Ahayd Go’aan Madaxweynuhu Uu Soo Saaray, Isagoo Ka Duulaya Ummaddan iyo Qarankan Uu Odayga U Yahay In Fursadaha Shaqo Loo Qaybiyo”. Wasiirka Madaxtooyada JSL

Hargeysa – (warsoor) – Wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo masuuliyiin kale ayaa gelinkii danbe ee maanta waxa si balaadhan ugu soo dhaweeyey caasimada Somaliland ee Hargeysa, dhalinyaro ka kooban soddon shaqaale cusub oo ku soo baxay imtixaan ay hay’adda shaqaalaha dawladdu ka qaaday in ka badan laba boqol oo shaqaale ah, kuwaasi oo ay ka soo baxeen (30) kii ugu sareeyey ujeedaduna ay ahayd in la helo imtixaan cadaalad loo qaado oo gobolada barriga Somaliland ka dhaca, tijaabadaas oo ay ku guulaysteen masuuliyiinta hay’adda shaqaalaha dawladdu oo uu gadhwadeen u yahay gudoomiye Sharmaake Axmed Muxumed Geelle.

Soo dhawayntaas waxa ka qayb qaatay wasiirada, Madaxtooyada, caafimaadka, biyaha, xildhibaanada golaha wakiilada, masuuliyiin kale, ganacsato iyo xubno ka mida odayaasha dhaqanka, waxaana lagaga hortegay shaqaalahaasi cusub iyo masuuliyiinta hay’adda shaqaalaha kantaroonka bari ee caasimada, iyadoo ay halkaasi haddalo ka jeediyeen masuuliyiin dhawra oo uu ka mid Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland oo soo dhawayntaasi ka hadlay ugu horayn ayaa yidhi “Galabta waxaannu duleedka bari ee caasimada Hargeysa ku soo dhawaynay, ardaydii ku guulaysatay Imtixaankii lagu qaaday jaamacada Nugaal, ee magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood, waxanu leenahay dhalinyarada Imtixaankaas ku guulaysatay hambalyo, mar labaadka waxaan u hambalyeynayaa isla markaana bogaadinayaa, madaxda hay’ada shaqaalaha qaranka oo uu hormood u yahay gudoomiyuhu, talaabadaa ay iyaguna ku guulaysteen waanu u hambalyeynaynaa”.

Wasiir Xaashi ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Arrintani waxay ahayd go’aan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo uu soo saaray, isaga oo ka duulaya ummaddan iyo qarankan uu odayga u yahay in fursadaha shaqo loo qaybiyo, horumarka loo qaybiyo, gobollada dib u dhacay la soo gaadhsiiyo gobollada ka hanno-qaad horeeyey, waa siyaasad qoto dheer marna lama wada fuliyo. Fursadahan shaqo maaha kuwo cusub, shaqaalhii qaranka qaadashadoodu way xidhan tahay ilaayo inta muddo dib lagu furi doono, waa shaqooyin ka banaanaaday sideed wasaaradood, gollaha Wakiilada iyo maxkamadaha qaar, waa boosas laga tagay, ama qaar dadkii laga saaray markii ay xilkoodii gudan waayeen. Kaalmahaa banaanaaday waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland amray in gobolka Sool, fursadahaas la siiyo, wuxuu amray  madaxda hay’ada shaqaalaha qaranka oo uu gudoomiyuhu hoggaaminayo.” Ayuu yidhi Wasiirku.

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore,  oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ in deegaanka degmada Laascaanood laggu soo qaado, imtixaankii shaqaalaysiinta shaqaalaha dawladda, taasi waxay noqonaysaa talaabo aan Somaliland, intii ay soo jirtay aan hore loo qaadin, waxaanay dhiirigalinaysaa dadyowgii iyo Ummaddihii odhan jiray wiila Laascaanood ama Ceerigaabo joogaa ugu soo gaadhi karaa imtixaanka hargeysa lagu qaadayo.”

 

Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Xaglatoosiye oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ runtii waxaan u hambalyeynayaa shaqaalaha cusub ee ku soo guulaystay imtixaankii lagu qaaday Laascaanood, Waxa kale oo aan aad ugu mahad celinayaa hay;ada shaqaalaha, oo gudoomiyuhu u horeeyo, Sharmaake wuu ku cusub yahay laakiin waxa weyn ayuu soo kordhiyey, waxaan hambalyeynayaa Wasiirka Madaxtooyada oo gacan weyn ku lahaa hawshaasi inay qabsoonto, waa talaabo xaga shaqada ah oo hore loo qaaday, Laascaanood horumar badan ayaa laga sameeyey oo kani ugu dambaayey.”

 

Wasiirkii hore ee Biyaha Mudane Baashe Cali Jaamac oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa isaguna yidhi “ Runtii galabta waa galab qiimo weyn leh, waayo arin aan hore u jiri jirin ayaa la soo kordhiyey, Afrika waxa la yidhaa caasimadaha ayuubaa waxa lagu soo ururiyaa, waa dhaqan loo baahan yahay in la badelo oo hareera waxa la gaadhsiiyo, waxaan leeyahay Gudoomiyaha iyo agaasimaha hay’ada shaqaalaha, Wasiirka Madaxtooyada, iyo ragii abaabylay waa dhaqan wanaagsan, waxaan leenahay wali naguma filna, waa bilow fiican, waana in laga kordhiyaa.”

Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle “ waxaan u hambalyeynayaa arday ku soo guulaystay Imtixaanka, waxa kale oo aan hambalyeynayaa hay’ada shaqaalaha dawladda iyo Wasiirka Madaxtooyada, oo siyasadii madaxweynaha fulinaya, talaabada maanta la qaadayna waa mid dhamays tir u ah talaabooyinkii u horeeyey ee aynu qarankan ku aas-aasnay, in cadalaaladii Ijtimaaciga ahaa la taabto oo la helo.”

Gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha dawladda mudane Sharmaake Geelle Dacar ayaa ka mahad celiyey soo dhawynta ardaydaasi loo samaayey waxaanu yidhi “ waxaanu ka mahad celinaynaa weftiga qiimaha badan ee culus ee xilalka qiimaha badan, ee xiligaa gaaban halkan isu soo tubay inay soo dhaweeyaan, halgamayaasha runta ah iyo mujaahidiinta, maanta guushu maanta waxay maraysaa raga qalinka ku horeeya, ee sodonkaa dhalinyarada ah ee imtixaankii ku soo baxay. Waxa maanta qiimo leh in idinka oo miisaankan leh aad naga hor timaadaan, oo aan soo dhawaysaan tartamayaashi iyo halgamayaashii soo guulaystay, oo aan ku bogaadisaan qaran qiimo leh oo dhismay oo jecel inay ka dhasheen dardar intii hore ka badan ay sii qaadahayaan oo shaqo wanaagsan ayey qaranka siin doonaan, seexan maayaan oo nasan maayaan, markay arkan dadka sidaa u jecel.”

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.