Ardaydii Ka Qaybgalay Barnaamijka Carbiska Shaqo Qaran Ee Gobolka Togdheer Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaaladda Burco

HARGEYSA – (WARSOOR) – Ardaydii ka qaybgalay Barnaamijka Carbiska Shaqo qaran ee Gobolka Togdheer ayaa lagu soo dhaweeyay magaaladda Burco.

Ardaydan oo ah dufacdii sadexaad ee dhamaysatay carbiska Barnaamijka Shaqo Qaran waxa soo dhaweyntooda ka qayb galay mas’uuliyiinta kala duwan ee Gobolka, Degmada iyo Saraakiisha Ciidamada Booliska. Ugu horaynna waxa halkaasi ka hadlay Maayir ku xigeenka Burco Mukhtaar Cabdi Maxamud (Baaryare) iyo Guddoomiye ku xigeenka gobolka Togdheer Maxamed C/laahi Nafaqo, waxaana ardaydaasi ay kula dardaarmeen in wixii ay soo barteen weeleeyaan isla markaana dib ugu celiyaan dhalinyarada la midka ahaa aqoontii ay soo korodhsadeen.

Geesta kale Ardaydii dhammaysatay Carbiska Shaqo Qaran ee gobolka Saaxil ayaa habeenkii xalay ahaa iyana munaasibad soo dhaweyn iyo casho ah loogu sameeyay magaaladda Berbera. Maayir ku xigeenka Nuur Cadde, Xoghayaha Dawladda Hoose Cabdikariin Aadan Cadde iyo Guddoomiyaha gobolka Saaxil Axmed Maxamed Xaashi oo ka qayb galay munaasibaddaasi lagu soo dhawaynayay ardayda shaqo qaran ayaa ku dhiiri’geliyay dhallinyartaas inay halkaasi kasii wadaan shaqada qaranka ee loo soo carbiyay.