Aqoon Yahan Axmed Dalmar Oo Si Cilmiyeysan U Soo Bandhigay Qorshaha Ay Somaliland Guul Kaga Gaadhi Karto Wadahadalka Somalia

2015kii waxaan daraasad ka diyaariyey khilaafka qotada dheer ee u dhexeeya Somaliland & Somalia & sidii xal loogu heli lahaa. Hadaba, waxaan halkan mahadnaq gaar ah uga dirayaa Wasiirka Arrimaha Dibeda Dr.Sacad Cali Shire oo keligii iigasoo jawaabay xubnihii wasiirada ahaa ee aan talooyinkaas u direy, isagoo wakhitigaas aan weliba ahayn wasiirka arrimaha dibada oo ay gaar usii khusaynaysay, isla-markaana  talooyinkii aan jeediyey oo ay ka mid ahaayeen:
1.   In laga gudbo habkan ay wada –hadaladu u socdaan ee ah (negotiation) loona gudbo wareega labaad ee ah dhex-dhexaadin(mediation) weliba nooca loo yaqaan Collaboration kana sii ah (WIN/WIN) taasoo ah in laga baxo qolkan 2dhinac oo keliyi isku-xidhanayaan loona gudbo wada xaajood ay kasoo qayb-galaan dalalka xorta ahi, ogaadaana dhibtii laguu geystay & weli dulmiga/xasadka ay rabto Somalia inay sii wado.
2.   In ay wada hadalka kasoo qayb-galaan dalal kale oo si rasmi ah u dhegeysta ugana gar-naqaan.
3.   In arinta laga kexeeyo Turkiga oo dhinac u xaglinaya dantiisana aanay ku jirin kala go’u.
4.   In wada hadalka lasii wado iyadoo la raacayo qodobada sare ku xusan.
5.   In la sameeyo gudi citiraaf raadin heer qaran ah & kuwo qurbojoog ah oo iyagu iska-dhex doorta gudiyo citiraaf raadin ah.
6.   In la xayeysiiyo Qadiyada/khayraadka Somaliland lagana iibiyo caalamka gaar ahaan maal-gashi loo raadiyo khayraadkeena, taasoo ay ugu soo horeysayba DP World.
7.   In ay kiraysato garyaqaano caalamiya oo u dooda qadiyadan S/Land
8.   In Dacwad lagu oogo xukuumada taagta daran ee Muqdisho taasoo ku kacda dembiyadan: waxay dhiiri-gelisaa oo xilal u dhiibtaa dhiigyo-cabyadiii dembiga ka galay dadka reer somalililand,
Waxay maxkamadaha shisheeye ka difaacdaa dembiilashii somaliland dembiga ka galay.
Waxay lacag ku bixisaa khilaafaadka hoose ee  reer Somaliland
Waxay sheegataa oo dastuurkooda ku qoratay dhulka Somaliland IWM.
9.   In xukuumadu ay miisaaniyada u kordhiso gudiga baadha xasuuqa, si loo casuumo ururada xuquuqal insaanka loona tuso wixii halkan ka dhacay.
10. In la carqaladeeyo oo lagu mudaharaado kursiga ay qaramada midoobay ku fadhido xukuumada fashilantay ee Somalia, maadaama Kursigaasi uu inaga dhexeeyey waa in aan midna ku fadhiisan Ilaa la inakala saarayo.
Hadaba, 10kaasi qodob oo ahaa nuxurka cilmi baadhistayda waxay xukuumadu fulisay inta badan, inta hadhayna waan rajeynayaa inay fuliso. Waxaanan ka digayaa in Djibouti lagu qabto wada-hadalada, maadama aynu ognahay halka ay Djobouti ka taagan tahay qadiyada Somaliland.
Dhalinyarta Somaliland waxaan ku boorinayaa in ay ka dagaalamaan xaga qoraalada oo weliba ay la socdaan website-yada ay ka mid yihiin: http://Www.academia &   http://www.crisisgroup.org/
Waxaa kale oo xusan mudan in aan daraasad kale ku samayn doono mushkilada sixir-bararka oo aad moodo in  Gudida madaxweynuhu u saaray ay qodobo muhiim ahi ka dhiman yihiin shaqadooda, isla-markaana marka gudi la samaynayo ma aha khasab in markasta xubnaha xukuumada uun laga dhex-magacaabo ee waa in gudida lagu daro saaxibul cilmiga & jaamacadaha dalku si ay daraasad & daawayn ugu sameeyaan arrimaha  bulshadeena carqalada ku haya.
Arrinta kale ee weli dadweynuhu isweydiinayaan waxay tahay: dhismihii xukuumadu ma intaas ayuu ku dhamaaday?
Aniga ogaalkayga mar aan Uganda aqoon isweydaarsi u tegey waxaan kusoo arkay in madaxweynuhu magacaabo boosaska siyaasada sida Wasiirada & kuxigeenada isagoo u eegaya xaga siyaasada & miisaanka deeganada. Wixii intaas kasoo hadha ee ay ka mid yihiin Agaasimeyaasha Guud iyo maareeyeyaasha, waxa la dalacsiiyaa shaqaalaha ka hawl-gala isla hay’adaas iyadoo loo maro Merit system (Aqoonta & khibrada shaqada), taasi ayaa inakana inoo haboon.
Allaa mahad leh.
Aqoonyahay: Ahmed Mohamed Dalmar
0634422175 email: qarbadle.org@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.