“Anagu Dadka Abaareysan Heeso La Dul Tegi Mayno oo Ka Dul Ololeyn Mayno, Laakiin Doorashada……”.Guddoomiye Cirro

Hargeysa – (warsoor) – Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa khudbad qiimo badan ujeedieyy boqolaal ka mid ah taageerayaal iskugu jira cuqaal, sulaadiin, waayeel, wax-garad, dhallinyar iyo haween ku soo biiray Xisbigaasi, waxaana uu si aada ugu dheeraaday Doorashada Madaxtooyada ee muranku ka taagan yahay muddooyinkii dambe isaga oo si adag carabka ugu adkeeyey in aanay marnaba suurto-gal ahayn in wakhti xaadirkan dalka Doorasho laga qabto maadaama ay dadku u dhimanayaan dhibbaatada abaaraha.

Murashax Cirro, oo hadalkiisa sii wata, ayaa sida oo kale ka hadlay duruufaha nololeed ee ku gedaaman nolosha reer Somaliland, waxaana uu fariin adag u diray dhiggiisa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo uu ugu baaqay in uu Doorasho xor iyo xalaal ah u soo diyaar garoobo ka dib marka uu Alle roobka ina siiyo isla mar ahaantaana uu dadka dhibbaateyn ka soo jebiyo abaaraha haysta, waxaana ay u dhignayd khudbaddiisii:

Waxa aan si niyad ah, gacmo furan iyo qalbi san aan ku soo dhaweynayaa odeyaasha, siyaasiyiinta, dhallinyarada iyo haweenka ee maanta halkan ka cadeeyey in ay xoogooda, awoodooda, tamartooda iyo maalkooda ba ay ku soo biirinayaan cududa isbedel doonka ee Xisbiga WADDANI, aad iyo aad baan idiin ku mahad-naqayaa, waxa aan lee yahay walaaleyaal ku soo dhawaada WADDANI, Xisbigu ujeedo kaliya ayaa uu lee yahay oo ah in dalkan la badbaadiyo oo dadkiisa la bedbaadiyo oo xoolahiisa la badbaadiyo oo hantidiisa la badbaadiyo, taas baynu u midoobeynaa haddii Ilaahay ka dhigo.

Walaaleyaal, maanta waxa dalka ka jira abaara ba’an, oo sida odeyaashu uga sheekeeyeen ah tii ugu ba’nayd, boqolkii sanno ee ugu dambeeyey. xoolahii waa dhammaad, dadkii na waxa bilaabmay dhimashadoodii waana xaaladaha kaliya ee dastuurku jideeyey in Doorasho dib loo dhigi karo marka ay dhacdo abaar baahsani, markaa waxa aad ka war-qabtaan iyada oo abaarin oo colaadi jirin oo aanay waxba jirin ayaa la kordhin jiray oo muddo kordhin la sameyn jiray, maanta na waa xaaladdii uu dastuurku u fasaxaayey in shacbiga la bedbaadiyo.

Waxa kale oo jira sicir-barar xad dhaaf ah oo cidhiidhi geliyey noloshii muwaadiniinta reer Somaliland, sida la sheegay halka dollar waxa uu maanta sarifkiisii marayaa sagaal kun oo shilinka Somaliland ah, waxa intaas dheer in xoolahii la joojiyey oo ah laf dhabartii dhaqaalaha aynu ku nool nahay miyi iyo magaalo ba, cid doorashada in wakhtigeedii lagu qabto naga jeceli ma jirto laakiin Doorashada na diyaar baanu u nahay se waxa ka horeeya in aynu qaran ahaan iskugu tagno oo waajibka ina saarani uu yahay badbaadada dadka iyaga xoolahii way dhammaadeene, waxa aanu soo jeedinaynaa oo aanu dalka na u sheegnay in talo laga yeesho arrinta abaarta iyo badbaadada qaranka.

Waxa aanu soo jeedinaynaa maadaama oo Komishanka laftiisu cadeeyey in 70% ay maqan yihiin dadkii la siin lahaa kaadhadhka codbixiyeyaasha in aanay munaasib ahayn in la bilaabo kaadh qeybin in aanay munaasib ahayn in aynu galno olole oo ololaha maxaa la sameeyaa?, waxa la sameeyaa in gawaadhi la kaxeeyo ayaa mikrofoono lagu xidhaa oo heeso laga soo daayaa weli baย  KULMIYE baabuurtii sameecadaha la haa wuu soo jediyey mar hore ba, walaaleyaal waxa aan idii sheegayaa, dad dhimanaya heeso kama dul qaadi karno, olole na ma geli karno, waxa aanu diyaar u nahay wakhtiga ugu yar ee ugu munaasibsan ee xaaladan laga ga wada bixi karo in aynu si wada-jir ah u qiimeyno, Doorashada na wakhtiga suurto-galka ah ee xaaladan laga ga bixi karo lagu qabto.

Walaaleyaal, xalay garabka dhallinyarada Xisbiga WADDANI, waxa ay halkan kaga dhawaaqeen in ay fureen sanduuq looggu gurmanaayo dadka ay abaarahu wax yeeleeyeen, intii ugu horreysay iyagaa ku riday, markaa waxa aan aad ugu soo jeedinayaa dhammaan ba taageerayaasha Xisbiga gudo iyo dibad iyo gobal intu ba in ay ka qeyb-qaataan sanduuqaas oo lagu soo guro dhaqaale ka bilaabmaya dollar iyo wixii ka badan si loo badbaadiyo oo aynu qeyb uga qaadano shacbiga dhibbaatada soo gaadhay.

Walaaleyaal maanta waxa aynu is weydiinaynaa horta yeynu la tartamaynaa, odey Siilaanyo waxa uu yidhi Murashax Ma ihi, markaa odeygaa waynu sii macasalaamaynaynaa isaga, oo si wanaagsan ayeynu u sii macasalaamaynaynaa isha Allah, laakiin Mujaahid Muuse na waxa aynu dooneynaa garoon siman oo xor ah oo xalaala in aynu ku tartano marka aynu dadkeena badbaadino ka dib.

Halkan ka daawo khudbadda gudoomiye Cirro:

Wariye Khadar Gurate

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.