Amazon ayaa dhimaysa 9,000 oo shaqo, iyadoo hore u dhintay 18,000 oo shaqo

hargShirkadda Amazon ayaa qorshaynaysa inay toddobaadada soo socda ay shaqada ka erido in ka badan 9,000 oo shaqaale ah, sida laga soo xigtay maamulaha sare ee shirkaddaas Andy Jassy oo qoraal la wadaagay shaqaalaha maalinimadii Isniinta.

Tallaabadan ayaa noqonaysa, shaqo dhimistii labaad ee ugu ballaadhnayd ee ay abid samayso shirkadda Amazon, iyada oo hore shaqada uga fadhiisisay illaa 18,000 oo shaqaale ah.

Shirkadaha waaweyn ee dhinaca teknoolojiyadda ayaa ku dhawaaqay inay sannadkan dhimi doonaan kumanaan shaqaal ah.

Qoraalka uu shaqaalaha la wadaagay maamule Andy Jassy ayaa sidoo kale sheegay in bishan la dhamaystiray wejiga labaad ee qorshe sannadeedka shirkadda, kaasoo horseeday in shaqada laga fadhiisiyo shaqaale kale. Wuxuu sheegay inay weli shirkaddu sii wadayso inay meelaha qaarkood u qorato shaqaalaha looga baahan yahay.

Bishan bilawgeedii waxaa shirkadda Amazon ay ku dhawaaqday inay hakinayso dhismaha xarunteeda guud ee ay ka dhisanaysay gobolka Virginia, inkasta oo wejiga koowaad ee dhismahaasi uu dhamaystirmay, kaasoo la filayo inay shirkaddu ku qaadato illaa 8,000 oo shaqaale ah, marka la dhamaystiro bisha June.

Shirkadda Amazon waxaa u shaqeeya illaa 1.6 million oo qof.