Al-shabaab oo Weer Gaadmo Ah Xalay Ku Soo Qaaday Ciidamada Itoobiya iyo Kuwa Dawladda Federaalka

Hiiraan – (warsoor) – Xarakadda Al-shabaab ayaa weerar  gaadmo ah ku soo qaaday xalay fadhiisimo ay ciidamadda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ku leeyihiin degmadda Halgan ee gobolka Hiiraan.

Weerarkaasi oo qaaday muddo daqiiqado ah waxaa la isku waydaarsaday rasaas.

xarakadda_Alshabaab

Gudoomiyaha degmada Halgan Guhaad Cabdi Warsame oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarka ay soo qaaday xarakadda Al-shabaab ciidamadda Itoobiya iyo kuwa dawladda federaalkuna ay iska caabiyeen ciidamadaasi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ciidamadda Dawladda iyo kuwa Itoobiya aanay midkoodna wax khasaare ahi soo gaadhiin, walo dhinaca kale uu sheegay in hal qof ay ka dileen xarakadda Al-shabaab, balse ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashadda gudoomiyaha.

Ciidamadda Al-shabaaba ayaa fadhiisimo ku leh goobo u jira degmadda halgan ilaa 18 kilimitir.

Gudoomiyaha degmadda halkan ayaa sheegay in fadhiisimaha ay kooxdani leedahay aanay ahayn kuwo rasmi ah balse ay koox koox ugu sugan yihiin meel aan ka fogayn deegaanka Halgan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.