Al-shabaab oo Sheegatay Masuuliyadda Laba weerar oo Ka Dhacay Soomaaliya

Gaalkacyo – (warsoor) – Sida ay sheegayaan saraakiisha caafimaadka laba weerar oo loo adeegsaday laba gaadhi oo ka dhacay badhtamaha magaaladda Gaalkacyo ayaa lagu dilay ugu yaraan 20 qof halka ilaa dhawr qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Weerarkan koowaad ayaa lagu bartilmaameedsaday maanta xarunta dawladda hoose, weerarkan kale ayaa isna lagu beegsaday dadkii gargaarka degdega ah u fidinaayey dadkii ku waxyeeloobay weerarka koowaad.

Qarax_gaalkacyo

Xamiilo Ismaaciil oo ka mid ah dadka degan goobta uu weerarku ka dhacay ayaa u warantay wakaaladda wararka ee Reuters waxaanay tidhi, “Qaraxyaddu waxay ahaayeen kuwo aad u waaweyn, ugu horayn waxaa la qarxiyey gaadhigii kowaad, daqiiqad ka dibna waxaa qarxay gaadhiga labaad. Dadka goobta ku dhaawacmay waxaa ku jiray walaalkay”.

Saraakiisha dawladda ayaa markii ugu horaysay ku sheegay dadka weerarkan ku dhintay ilaa 13 oo iskugu jira dad rayid ah iyo saraakiil dawladda ka tirsan. Balse warbaahinta ayaa sheegtay in tiradda dhimashadu ay intaasi ka kordhayso.

Dhaktar Axmed Sugule oo ka tiran cusbitaalka Gaalkacyo ayaa yidhi, “Khasaaraha dhimashadu waxa uu ka badan yahay 20 qof, waxaana la filayaa inay intaasi ka badan doonto”, waxaa uu intaasi ku daray inay tiradda dadka ku dhaawacmay weerkaasi ay gaadhayso ilaa 30 qof.

Xarakadda Al-shabaab oo dadaal ugu jirta sidii ay xukunka uga tuuri lahayd dawladda ay taageersan tahay beeshu caalamku ee Muqdisho ayaa sheegatay masuuliaydda laba qarax ee maanta oo Axad ah ka dhacay Gaalkacyo.

Hawl-galka Soomaaliya ee Qaramadda Midoobay ee UNSOM ayaa barta ay ku leeyihiin Twitter-ka waxay cambaareeyey weerarkan maanta oo Axad ah ka dhacay Gaalkacyo waxaanay yidhaahdeen, “Weerarkan argagixiso ma joojin doono hanaanka doorashadda ee 2016”.

Dhamaadka sanadkan waxaa Soomaaliya loo dajiyey inay ka dhacdo doorasho.

Weerarkan maanta ka dhacay magaaladda Gaalkacyo ayaa imana ka dib markii dhawr maalmood ka hor ciidamada Amaanka Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen hogaamiye Al-shabaab ka tirsan oo raadinaayey.

Ciidamada Kamaandowsta ee loo yaqaano Danab ayaa soo xidhay Cabdilaahi Al-suudaani iyo afar qof oo lagu xidhiidhinaayo inay yihin dagaalyahanadda Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.