Al-Shabaab oo khasaaro xoogan loogu geystay weerar ay ku qaadeen Boosaaso

Boosaaso – (warsoor) – Maleeshiyo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay waxay weerar ku qaadeen Bar-Kontarool oo Ciidamada amaanka Puntland ay ku leeyihiin magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Waxaana halkaasi ka dhacay dagaal saacado qaatay oo u dhaxeeya Maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday iyo Ciidamo ka tirsan Difaaca Puntland,waxaana ugu danbeyn Ciidamada Puntland ay u suurta gashay iney dib u celiyaan dagaalyahanadii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Wariye Maxamed Muuse Tarsan oo warbaahinta Dowladda uga soo warama magaalada Boosaaso ayaa ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay weerarka iyo sida ay tahay hadda xaalada magaalada Boosaaso gaar ahaan goobtii dagaalka uu ka dhacay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.