Al Shabaab iyo ciidanka Somalia oo dagaal culus ku dhexmaray magaaladda Muqdisho

Muqdisho-(warsoor)–Ciidanka dowladda iyo Al Shabaab ayaa xalay dagaal culus ku dhex-maray xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Hilliwaa ee muqdisho.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fadhiisin Ciidamo Boolis ah ay ku leeyihiin xaafada Suuqa xoolaha ee Degmada Hilliwaa.

“Dagaalka waxaa lagu dilay Sarkaal Al-Shabaab ka tirsanaa oo lagu magacaabi jiray (Jacfar Kuukaay), sidoo kalena ciidanka Nabadsugida waxaa ay soo furteen laba Qori, oo mid kamid ah uu ahaa Baasuuke” sidaasi waxaa sheegay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane.

Al-shabaab wali wax warka ah kama soo saarin dagaalkii xalay ka dhacay Suuqa Xoolaha.

Al Shabaab oo magaaladda muqdisho laga saaray sanadkii 2011, ayaa waxaa mararka qaar dhacda in dagaal gaadma ah ay kusoo qaadaan ciidanka dowladda, kaasoo markii dambana isku bedela dagaal toos ah oo muda gaaban ah.

Taliyaha Ciidanka Milatariga Soomaaliya Maxamed Aadan Axmed Buud, oo Warbaahinta kula hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa sheegay in ciidamadda Milatariga dowladda laga saari doono  dhamaan magaaladda Muqdisho.

“ Ciidanka Booliiska iyo Nabadsugida ayaa lagu wareejinayaa amaanka muqdisho, iyaga ayaana lagula xisaabtami doonaa” ayuu yidhi taliyaha. Haddii ciidanka laga saaro magaaladda waxaa macaquul ah isbedel dhinaca amniga. Ciidamo Milatariga ah oo tira badan ayaa ku sugan gudaha magaaladda, waxaana amniga uu galay isku haley.

Majirin nidaam kala soocaya waajibaadka ciidamadda dowladda, iyadoo ay ugu wacneed mishaar la’aanta heysata ciidanka.

Amaanka magaaladda Muqdisho, ayaa aad looga deyrinayay tan iyo markii la doortay dowladda cusub ee uu hogaaminayo Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Balse waxaa xusid mudan, in Qaraxyada, dilalka iyo weeraradda gaadmada ah ay magaaladda Muqdisho ay kusoo bateen intii lagu guda jiray Ololaha doorashada, waxana la dhihi karaa dowladda cusub waxaa ay la kowsatay dal uu ka jiro xaalad kala-guur ah.

Shaqada ugu weyn ee laga filaayo in ay qabtaan siyaasiyiinta kala ah Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa waxaa ay tahay hagaajinta amniga magaaladda muqdishu iyo in si dhakhsa ah loo soo magacaabo goolaha wasiirada si amniga magacada wax looga qabto

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.