Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha XFS oo Shir Yeeshay

MUQDISHO – (WARSOOR) – Agaasimaha guud ee wasaaradda qorhseynta maal-gashiga iyo horumarina dhaqaalaha dowladda Soomaaliya, oo maanta guddoominayey shirkii toddobaadlaha ahaa ee wasaaradda, ayaa waxaa lagu gorfayeey waxyaabaha u qabsoomay waaxyaha wasaaradda, u diyaar garowga shirka  Agaasimiyaasha Guud ee dowladda oo berri ka qabsoomayo magaalada muqdisho, isla markaana  lagu soo bahdigayo qorshe howleedka wasaaradaha dowlada iyo hay’adaha kaabayaasha ah  2021 Sanadkan, iyo sannadkii hore 2020, waxyaabahii qabsoomay, kuwa aan hir-gelin iyo weliba sidoo kale himilooyinka dalkeena hiigsanayo waqti dhow.

Agaasimaha guud mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan (Cabdul) ayaa tilmaamo ka bixiyay  shaqooyinka socda iyo sidii loo xoojin lahaa, sidoo kale waxa uu carabka ku dhaftay in dalkeena dadka uu sugayayo In ay tahay innaga isla markaana waxaana u baahahanahay in qof kasto naga mid ah in uu u shaqeeyo shan qof, anaga ayaa sama-tabixin nagala doonayaa, wasaaradda Qorsheynta waa wadanaha dalka, marka waa in aan sidaas ula socona waxa nagala filayo mahan wax halkaan ku yaalo aan gacmaha is qabsan hala xoojiyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo xariirkooda.

Wasaaradda ayaa daddaal xooggan ugu jirto amba-qaadka geeddiga sanadka 2021 in la xaqiijiyo hadafyada iyo shaqooyinka dhaxal galka ah in la xaqiijiyo, tasoo talaabo wanaagsan  oo hori loo qaaday u tahay hirgalinta Qorshaha horumarita qaranka-9aad.