Agaasimaha Wasaaradda Duulista Somaliland oo Shaqadii Ka Caydhiyey Shaqaale Ka Tirsan Madaarka Hargeysa oo Salaamay Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Halkaas Ka Soo Degaayey

Hargeysa – (warsoor) – Agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Md.Cumar-Sayid Cabdillaahi Aadan, ayaa gebi ahaan shaqadii ka caydhiyey laba ka mid ah shaqaalaha Madaarka Hargeysa oo magacyadooda la yidhaahdo Xuseen Keyd iyo Cabdifataax Cashuur ka dib markii uu ku soo eedeeyey in maalintii shalay ay Madaarka Hargeysa dhexdiisa ku salaameen guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo dalka dib ugu soo laabtay ka dib socdaal uu maalmahii ugu dambeeyey ugu maqnaa dalka Sucuudiga.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa sheegaya in agaasime Cumar-Sayid uu ka cadhoodey salaan ay shaqaalahani ka qaadeen iyo weli hawlahiisa gaarka ah sida shandadaha iyo agabka uu sitey Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo markaas ka soo degaayey Madaarka Hargeysa, waxaana la sheegay in goob fagaare ah uu shaqaalahan kaga caydhiyey shaqadoodii ay ka hayeen Madaarka Hargeysa isaga oo weli ba isla wakhti xaadirkaas ciidamada amaanka ee Madaarka ku amrey in ay shaqaalahaas ka saaraan gudaha Madaarka Hargeysa.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ah mas’uul qaran oo marka la eego heylkalka dawadnimo noqonaya ninka saddexaad ee dalka ugu sarreeya balse sababo la xidhiidha xisbiga Mucaaradka ah ee uu Murashaxa ka yahay awgeed looggu colaadinaayo in la iska indho tiro maamuusiddii iyo sharaftii uu ku lahaa qaranka Somaliland taasi oo inta badan sababta in dadyow badan oo taageera u muujiyaa ay ku soo waayaan xilal iyo jagooyinkoodii shaqo ee ay ka hayeen laamaha dawladda Somaliland.

Ugu dambeyn, waxa xusid mudan in Madaarka Hargeysa uu yahay goob shaqo oo aan mudneyn in la siyaasaddeedyo isla mar ahaantaana loo baahan yahay in Mucaarad iyo Muxaafad ba isku si loo la dhaqmo marka ay Madaarkaas ka dhoofayaan iyo marka ay ka soo degayaan ba balse waxa inta badan dhacda in Xisbiga WADDANI iyo mas’uuliyiintiisu ay noqdaan kuwo dhibbaato xooggan kala kulma Madaarkaasi iyada oo wakhtiyada qaar loo diido in ay galaan gudaha Madaarkaasi halka taa bedelkeeda na ay shaqaalaha iyo Madaxda Madaarka Hargeysa ba ay dalacaad iyo mushahaarooyin dheeraada ay ku helaan hadba sida ay u cadaadiyaan Madaxda WADDANI iyaga oo sida oo kale na si diiran u soo dhaweynaya Madaxda KULMIYE iyo Xukuumada ba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.