Agaasimaha Waaxda Dhulka ee DHH Oo Ka Hadlay Dhisme La-faafiyey In Dawlada Hoose Bixisay Oo Lagu Jaraayo Wadada 150-ka M.Mooge

Hargeysa( )-Agaasimaha Waaxda Dhulka ee Dawlada Hoose ee Hargeysa Eng. C/salaan Maxamed Daahir (C/salaan Gacan-jilib) oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa ka waramay dhisme laga dhisaayo degmada Maxamed Mooge oo qaar kamida masuuliyiinta Xisbiga UCID sheegeen in Dawlada Hoose ee Hargeysi iibisay, dhul ku-yaala wadada 150-ka ee Hargeysa ku wareegta, iyagoo isla markaasina Dawlada Hoose ee Hargeysa ku eedeeyey inay dad shiciba ka iibiyeen una jareen wadadaasi.

Agaasimaha Waaxda Dhulka ee Dawlada Hoose ee Hargeysa Eng. C/salaan Maxamed Daahir (C/salaan Gacan-jilib) oo ugu horeyn arintaasi ka hadlaayey ayaa waxa uu bayaamiyey in aanay waxba ka jirin eedaasi iyo warkaas Xisbiga UCID ka baahiyeen Dawlada Hoose, isla markaasina dhulka laga dhisaayo dhismahaasi aanu kamid ahayn wadada 150-ka, dhul kalena ka xigo oo u dhaxeeyo wadada 150-ka iyo d hulkan dhismaha laga wado,

Agaasime C/salaan Gacan-jalab oo sidoo kale ka hadlaayey goorta la bixiyey dhulkan dhismuhu ka socdo ayaa waxa uu cadeeyey in mulkiilaha dhulkani qoladii beerta lahayd ka iibsaday sanadkii 2001-dii isla markaasina loo sharciyeeyey sanadkii 2003-dii oo ay joogeen Golahii Deegaanka ee hore ee uu Gudoomiyaha u ahaa Mayor Jiciir, Golahan Deegaanka ee hada joogaana aanay haba-yaraatee wax shaqo ah ku lahayn bixintiisa iyo sharciyn-tiisaba,qof muwaadin ahina mudadaas labaatan-ka sano ku dhaw uu sharci ku lahaa mulkiyadiisa cashuurtana ku bixinaayey.

Gaba-gabadii ayaa Agaasimaha Waaxda Dhulka ee Dawlada Hoose ee Hargeysa Eng. C/salaan Maxamed Daahir (C/salaan Gacan-jilib) ayaa waxa uu tibaaxay in wax laga xumaado ay tahay in rag masuuliyiin Xisbi Qaran sheeganayaa ay warka noocaasa umadda la hor-yimaadaan, Dhinaca kale Agaasime C/salaan Gacan-jalab ayaa waxa uu xusay in ay haayadaha sharciga la-tiigsan doonaan, Maxkamadana kiis uga furan-doonaan masuuliyiintaas Xisbiga UCID ee falkaasi ku kacay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.