Agaasimaha Madaxtooyada JSL Oo Shahaado Guddoonsiisay Hay’ada HANDICAP Oo Gacanta Ku Haysa Ururka Naafadda Somaliland

Hargeysa – (warsoor) – kulan xafiiska Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra X Gaydh” iyo Ururka Naafada Somaliland oo ay wakiil ka ahayd  Marwo Nuura Maxamuud Nuur ayey shahaado ku gudoonsiiyeen  masuuliyiinta Hay’ada HANDICAP oo iyagu door muhiima ku leh taakulada dadka naafada ah.

dsc_00001

Ugu horayna waxa halkaasi ka hadashay Marwo Khadra X Geydh waxaanay tidhi”Halkan waxaanu ku gudoonsiinayey Shahaado Sharaf, Dallada Qaranka ee Ururka Naafada SLDF ay Nuuri masuul ka tahay usoo sameeyeen Shahaado Sharaf ay ku maamuusayaan Hay’adda HANDICAP International wada shaqaynta wanaagsan ee ay la shaqeynayeen, sidaasi awgeed ayaan aniguna aad iyo aad ugu bogaadinayno kunasoo dhaweynayno.

waxaanan leenahay aad baad ugu mahadsan tihiin Ururkii soo sameeyey shahaadana waxaan leenahay waxqabkiina halkaa kasii wada annaguna hareerahaanu marwalba taaganahay annagoo balanqaadyadii Madaxweynaha fulinayna, wax badana dallada loo qabtay oo Sannad walba imika loogu daro 50 qof oo naafo ah sanadkiiba loogu daro arrintaasina ay fushay”.

Gudoomiyaha Dallada Naafada Qaranka Somaliland Nuura Maxamuud Nuur oo iyana halkaa ka hadashay ayaa tidhi “Marka hore  waxaan u mahad celinayaa Ilaahay (SWT) marka Labaadna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhammaan  Xukuumadda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda  Madaxtooyadda Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo run ahaantii dumarnimana igula shaqaysa si wanaagsan oo mug iyo miisan leh wax noola qabata, run ahaantiina Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilandna waxyaabo fara badan uu ka qabtay dhinaca naafada guud ahaan haday tahay shaqaalaysiinta, haday tahay Miisaaniyadda qaranka oo ay ku jirto dalladu, Wiil jeero iyo Baaskeelado sanad walba maalinta Naafada aduunka ay Madaxtooyaddu gudoon siiso dadka Naafada ah taasoo dhawrkii sannadood ee lasoo dhaafay tiro aan ka yarayn 500 oo qof oo dhulka jiitamayey loo sameeyey Gadiidkaa caawinaya u sahlaya dhaq dhaqaaqa socodka.

Waxaan odhan karaa intii Xukuumadaha Somaliland jireen waa Xukuumaddii ugu dhegaha luglayd dadka naafada ah iyo waxqabadkeeda runtii aad baan ugu mahad celinayaa Hay’yadda Handicap International oo iyaguna ah haayadda keliya ee nooga soo baxday haayaddihii kale haday UN yihiin iyo International yihiin ba ee gacan siiya Naafada reer Somaliland muddo aad iyo aad u dheerna nala shaqaynayey imikana halkii kasii wada aan rajeynayana inay wada shaqayntayadu sii jiri doonto, inta Handicap International jirto iyo inta Naafada reer Somaliland jirtaba”.

Xamse Cabdilaahi Yoonis oo ku hadlayey afka Hay’adda HANDICAP INTERNATIOAN ayaa yidhi “Anoo ku hadlaya guud ahaan afka Haayadda handicap international runtii Agaasimaha aad baan ugu mahad naqaynaa inay halkan nagu qaabisho xafiiskeeda, runtii shahaadaani annaga waxay noo tahay farxad aad u weyn inaanu ku helno hawshii aan annagu qabanaynay shahaadadaa dhiirigelinta ah, handicap international  waa Haayaddihii ugu horeeyey ee dalka yimi 1992-kii markii aan dalka kusoo noqonay ilaa imika waa shaqaynaysaa arrimaha Naafada arrimahaa aanu ka shaqeynayna waxaa kasoo baxay wax badan oo dhanka wanaagsan ah oo dadka Naafadda ahi ku faani karaan, Dalladana aad baan ugu mahad naqaynaa iyadoo wax badan ka qabatay Mashaariicdaa aanu siino sidii aanu rabnay u fulisay  runtii Dawadduna wax baday arrimaha Naafada ka qabatay  haday noqoto siyaasadii imika ay golaha Wasiiradu ansixiyeen oo ay u hadhsan tahay uun in Madaxweynuhu ansixiyo, Waxaanuna ballan qaadaynaa   inaanu sii wadi doono ka shaqaynta arrimaha Naafada”.

Allaa mahad leh

Xafiiska Afhayeenka iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL

Halkan Ka daawo warka:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.