Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Warfaafinta Oo Qalab Kala Wareegay Hay’adda BBC Media Action

Hargeysa – (Warsoor) – Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa agab loogu talo’galay Idaacadda Radio Hargeysa kala wareegay hay’adda BBC Media Action.

Munaasibadda qalabkaasi lagula kala wareegay ayaa ka qabsoontay xafiiska agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, waxaana agabkaasi oo qayb ka ahaa mashruuc ay ka wada shaqeeyeen Radio Hargeysa iyo hay’adda BBC Media Action uu ka koobnaa Koombiyuutarro, qalabka xogta lagu keydiyo, cod duubayaal iyo cod baahiyayaal.

Agaasime ku xigeenka hay’adda BBC Media Action ee Somaliland Maxamed Cabdilaahi Gaas oo ka war bixiyay agabkaasi ayaa sheegay in qalabkaasi ay ku yimaadeen wada shaqaynta fiican ee ka dhexeeya Radio Hargeysa iyo Media Action, waxaana uu sheegay in ay halkaasi ka sii wadi doonaan wada shaqaynta ka dhexeysa labada hay’adood.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay agaasimaha waaxda Idaacadaha Xasan Maxamed Yuusuf oo sheegay in uu soo dhaweynayo qalabkan loogu deeqay Idaacadda Radio Hargeysa, kuwaas oo wax weyn ka tari doona shaqada istuudiyaasha Idaacadda, wuxuuna ka sheekeeyay xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Radio Hargeysa iyo BBC Media Action.