Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Shaqo Gelinta,Arrimaha Bulshadda Iyo Qoyska Somaliland Oo Furay Barnaamijka Aqoonsiga Codka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada JSL ayaa furay barnaamijka aqoonsiga codka oo bulshada lagu caawinayo, kaas oo ay iska kaashadeen Shirkada Telesom, CARE International iyo hay’adda GSMA.

Ugu horeyn waxa faahfaahiyey mashruucan iyo waxyaabaha uu ku saabsan iyo sida ay bulshadu ugu baahnayd Xamse Kooshin oo ka mid ah saraakiisha sare ee hay’adda CARE International, isagoo sheegay in Tignoolajiyadan tahay mid cusub oo markii ugu horeysay laga isticmaalay dunida oo dhan taasi oo Somalilandna la jaanqaadayso. Barnaamijkan ayaa waxa uu wax wayn ka tari doonaa mashaariicdii gargaarka bulshada taasi oo fududayn doonto in bulshada inteeda badan gaadho.

Xamse Kooshin waxa uu intaasi ku daray in barnaamijkan hore loo tijaabiyey isla markaana lagu guulaystay sidii hore loogu wadi lahaa loona balaadhin lahaa.

Amran Axmed Mire oo maamulaysa barnaamijkan ayaa sharaxday sida uu bulshada Somaliland u caawin doono aqoonsiga codka, isagoo fududeeyey in si fudud la isku helo bulshadii gargaarka u baahnayd iyo qaybihii ka shaqaynayey gargaarka bulshada.

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Madaxa xidhiidhka bulshada iyo horumarinta ganacsiyada ee shirkada Telesom Maxamuud Cabdiraxmaan oo sheegay inay ka shirkad ahaan ku faraxsan yihiin inay hirgaliyaan barnaamijkan isla markaana uu ka baxay tijaabadii. Waxaanu intaa ku daray in shirkada Telesom markasta bulshada u danaynayso sidii ay u heli lahaayeen Tignoolajiyad u fududaysa waxyaabaha ay u baahan yihiin oo mashruucani ka mid yahay.

Agaasimaha Waaxda Isgaadhsiinta ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyada Eng Maxamed Cumar ayaa sheegay in ka wasaaradda ahaan mar kasta ka shaqaynayaan horumarka isgaadhsiinta iyo tignoolajiyada,taasi oo bulshada JSL u baahan tahay.

 Agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Cabdirashiid Cabdiraxmaan Ibraahim oo shirka furay ayaa sheegay in barnaamijkan bulshadu u baahan tahay,waxaanu intaasi raaciyey in uu sahli doono sidii ay isku gaadhi lahaayeen dadkii gargaarka la gaadhsiiyey iyo qaybihii kale ee ka shaqaynayey qaybinta gargaarka. Waxaanu intaa ku daray in mashruucani sahli doono in bulshadu si fudud u heli doonaan waxyaabaha laga caawinayo taasi oo laga gudbayo caqabadihii awal soo waajihi jiray.

Gagagabadiina waxa halkaasi laga soo jeediyey sida uu mashruucu u shaqayn doono iyo waxyaabaha la doonayo inay ka soo baxaan.