Afhayeenka Mataxtooyada Oo Soo Booqday Xarunta Ciidanka Dabdemiska Ee Magaalada Hargeysa


Hargeysa – (warsoor) – Afhayeenka Mataxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax) ayaa maanta soo booqday Xarunta Ciidanka Dabdemiska Caasimada Magaalada Hargeysa.

Afhayeenka ayaa waxaa ku soo dhaweeyay xarunta Taliyaha ciidanka,Agaasimaha Guud iyo maamulka kale ee Ciidanka Dabdemiska Caasimada,Waxaana maamulku u sharaxay sida hawsha ciidanku u socoto waxyaabaha ciidanka u qabsoomay iyo waxa ciidanku hiigsanayo mustaqbalka,sidoo kale waxaa maamulku faahfaahin ka siiyay halkii Ciidanka Dabdemiska laga soo qaaday iyo halka uu maanta marayo.

Dhankiisa waxaa isaguna uga mahadnaqay maamulka Ciidanka Dabdemiska caasimada sida ay ugu soo dhaweeyeen xarunta ciidanka Dabdemiska,waxaanu sheegay in horumar ballaadhan ciidanka Dabdemisku sameeyeen muddadii ay jireen,waxaanuu ka garaabay Afhayeenku in ciidanku sameeyeen waxqabad la taaban karo.

Maaha markii ugu horaysay ee masuuliyiinta dawladu booqashooyin kala dambeeyay ku yimaadaan,balse waxaa maalmo kahor isaguna booqasho ku yimi xarunta Lataliyaha Madaxtooyada ee Arimaha Bulshada.

Ugu dambayn ciidanka Dabdemiska Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ayaa waxqabado la taaban karo ka sameeyay guud ahaan Caasimada Magaalada Hargeysa taasoo soo jiitay masuuliyiinta iyo shacbiweynaha caasimada kaalinta ciidanka Dabdemisku kaga jiro horumarka waddanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.