Afhayeenka Laanta Xisbiga Waddani ee Dalka Holland Oo Beeniyey Warar Been Abuur Ah Oo Laga Baahiyey

Holland – (warsoor) – Afhayeenka Laanta Xisbiga Waddani ee Dalka Holland Md.Nagiib  Cismaan Dheereeye ayaa beeniyey warar been abuur ah oo laga faafiyey laantooda isagoo isla markaasina ka waramay inaanay waxba ka jirin nin sheegtay inuu ahaa Afhayeenka laanta oo is casilay.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Afhayeenka Laanta Xisbiga Waddani ee Dalka Holland ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

“War-saxaafadeed: Toosinta maqaal kusoo baxay Burco Online taariikhdiisuna ahayd 17 feb 2017.

Waxaa umada muslimka ah ka xaaraan ah inuu qofku is been fariimo. Barayahan dambe waxa inagu soo badanaya bulshada reer Somaliland arin ugub inagu ah oo qofku iska casilo xil aanu horayba u hayn. Kii u dambeeyayna waa maqaal kusoo baxay Burco Online oo taariikhdiisu ahayd 17 feb 2017. Maqaalkaas oo uu taageere ka tirsan xisbiga waddani ku andacoonayo inuu ahaa afhayeenkii xisbiga waddani laantiisa Holland isla markaa uu iska casilay jagadaas. Hadaba aniga oo ah afhayeenka xisbiga waddani laantiisa Holland mudane Najiib Cismaan oo Dhereye loo yaqaan waxaan dhamaan taageerayaasha, golayaasha xisbiga iyo guud ahaanba beelwaynta xisbiga waddani u sheegayaa in afhayeen xisbiga waddani Holland oo is casilay aanu jirin laakiin taageere ka tirsanaa xisbiga waddani uu go’aansaday inuu xisbiga ka baxo. Qofkasta oo reer Soomaaliland ahina waa u xor fikirkiisa siyaasiga ah iyo xisbiguu galayo ama ka baxayo.

Waxaanu saxaafada xorta ahna si sharaf leh uga codsanaynaa hadii aanu nahay laanta xisbiga waddani ee Holland in saxaafada xorta ahi ay ilaashato sumcadeeda iyo xirfadeeda shaqo, isla markaana aanay tabin warar been abuur ah oo bulshada ay u adeegayaan majara habaabinaya.

Wa bilaahi tawfiiq

Afhayeenka Xisbiga Waddani Laantiisa Holland

Najiib Cismaan Dhereye”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.