Afhayeenka AMISOM “Hal askari ayaa nooga dhintay, mid kalena wuu ku dhaawacmay”

Muqdisho – (warsoor)  – Afhayeenka Ciidamada AMISOM Wilson Rono oo la hadlay Wakaalada Wararka SONNA ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ciidamada AMISOM ka soo gaaray qarax iyo dagaal toos ah oo ay kula kulmeen deegaanka Carbiska oo u dhow degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada AMISOM uu askari kaga dhintay weerarkaasi ay ku soo qaadeen Maleeshiyada Argagaxisada Al shabaab, halka mid kale uu kaga dhaawacmay, sidoo kale wuxuu sheegay in labo ruux oo shacab ah ay ku geeriyoodeen weerarka.

Wilson rono ayaa beeniyay warar uu sheegay in baraha bulshada ay ku faafiyeen Maleeshiyada Al shabaab oo ku saabsanaa in dad badan oo rayid ah lagu dilay goobta uu dagaalka ka dhacay.

Dhinaca kale Maamulka Gobolka Shabeelaha hoose ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan ay faahfaahin ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay weerarka iyo sida ay wax u dhaceen, iyagoo wali wada baaritaano ku aadan arintaasi.

 

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.