Adeegyo Waxtar Badan oo Whatsapp ku Leeyahay Laakiin Aanay Dad Badani Ogeyn

WhatsApp ka oo 12 sano jiray ayaa ka mid ah shabakadaha ‘Apps’ xidhiidhka ee dunida loogu isticmaalka badanyahay dirista farriimaha gaagaaban. Tan iyo markii la aasaasay oo ahayd 2009 kiina WhatsApp ka waxaa lagu soo daray adeegyo badan oo ay ka faa’iidaystaan malaayiinta qof ee adeegsadaa. Majaladda Entrepreneur ayaa dhowaan faafisay liiska shaqooyin qarsoon oo uu leeyahay WhatsApp ku laakiin aanay dadku aad u aqoonin, waxaana ka mid ah:

  1. FARRIIMAHA KU MEELGAADHKA AH:
    Waa hab uu Qofku WhatsApp ka diri karo farriimo cimri leh oo muddo marka ay jiraan iyagu iskood isu burburinaya. Waxaa habkan loogu talagalay in ay ka faa’iidaystaan dadka doonaya in ay diraan xogaha muhiimka ah ee aanay doonayn in ay muddo ku sii jiraan taleefanka gacanta ee qofka loo diray, maadaama oo ay xasaasi yihiin.
    Adeeggan si guud WhatsApp oo dhan uguma xidhmo, balse qofka farriimaha xasaasiga ah loo diro ayaa kelidii lagu xidhi karaa, iyada oo farrimaha dadka kale loo diraya aanay saamayn ku yeelanayn.
    QAABKA LOOGA SHAQAYSIIYO
    Fur WhatsApp ka kaddibna tag Qaybta dirista farriimaha oo raadi qofka aad ku xidhayso adeeggan. Kaddib gal bogga qofka ee aad farriinta ka dirto, gal xagga sare ee sawirka Qofka ama magaciisu yaallo (Profile) kaddibna liiska kuu soo baxa ka dooro ka afaraad oo ah “” intaas kaddib isaga ayaa ku hagaya.
  2. SAACADDEE LA AKHRIYEY FARRIINTAADA
    Haddii aad doonayso in aad ogaato goorta la akhriyey farriinta aad dirtay, waxa aad farta ku cadaadisaa farriinta illaa uu hadh gelayo, kaddib waxa aad taabataa saddexda dhibcood ee is hoos yaalla cidhifka sare ee midig, waxa aad ka doorataa qoraalka “Info” waxaa ku soo baxaya waqtiga ay farriintu gaadhay qofka iyo in uu akhriyey iyo waqtiga uu akhriyey.
  3. CODKA AAD DUUBTO DIB U DHEGEYSO INTA AANAD DIRIN
    Dad badani waxa ay dhib kala kulmaan dib u dhegeysiga codadka ay cid kale u duubaan, taas oo inta badan keenta in ay diraan kaddibna dib u dhegeystaan oo haddii aanay ku qancin ay tirtiraan markaba iyada oo laga yaabo in qofkii arkayba, in uu dib uga noqday wax uu kuu sheegi lahaa.
    Haddaba ma ogtahay in WhatsApp ay ku jirto xeelad aad codka dib ugu dhegeysato ka hor inta aanad dirin? Waa arrin fudud, keliya marka aad dhammayso codka aad duubayso, ayaad si kedis ah bannaanka uga baxaysaa WhatsApp ka adiga oo taabanaya batamka kugu celinaya shaashadda bannaanka ee taleefanka. WhatsApp codkii oo duuban ayaa uu kuu haynayaa illaa aad ku soo noqoto, markaas oo uu fursad kuu siinayo in aad dib u dhegeysato kaddibna aad dirto ama tirtirto.
  4. CODAD GAAR AH
    Inta badan dadka mashquulka badan ee xidhiidhka WhatsApp ka ku badan waxaa ku dhaca in hadba dareenkooda ay jeediyaan farriimo badan oo qaarkood aanay macno lahayn iyo dad aanay u baahnayn oo soo wacaya. Haddaba ma ogtahay in WhatsApp aad ka helayso adeeg kuu suurtagelinaya in qof kasta oo kula soo xidhiidha aad cod gaar ah u samayso, si aanad u qaban qofka aanad doonayn marka uu codka aad u samaysay k usoo dhaco.

Si aad adeeggan u furato tag bogga liiska farriimaha dadka aad WhatsApp kala xidhiidho kaddib guji sawirka qofka aad doonayso in aad cod gaar ah u samayso, kaddib guji calaamada cajiibka ee goobada ku dhex jirta cidhifka midig, waxa kuu soo baxaya Profile ka qofka oo sawirkiisa iyo magaciisu ugu sarreeyo. Hoos u eeg liiska oo guji qodobka labaad ee ay ku qorantahay ‘Custom Notifications’ sax goobada ugu sarraysa ee ay ku qorantahay “Use Custom Notifications” kaddib guji qodobka koowaad ee ka hooseeya oo ah “Notification Tone’ oo codadka kuu soo baxa ka dooro ka aad rabto. Sida oo kale waxa aad qaybtan ka helaysaa doorashada ‘Gariir’ in aad u samayn karto, midabka iftiinka maa laydhka oo aad beddeli karto, iwm.

Xigasho: Kamaal Marjaan