Abwaan Salaan Carabay: Toloow colka Jooja

Geeraarkan wuxuu abwaanku ku kala guntanayey laba jilib oo HJ ah (Reer Daahir & Axmed Faarax) oo dagaal isugu qalab qaatay. Abwaanka oo sama-taliye weyn ahaa wuxuu isku deyey inuu u caqli celiyo raggii colaadda hurinayey oo uu xasuusiyey cawaaqib xumida iyo cirib la’aanta colaaddu horseeddo. Abwaanka Ilaah waa ku guuleeyey inuu dagaalkaas hakiyo. (Geeraarku ma dhama)


Maalintii Cumar Daahir
Is ku gooyay cayaartiyo
Nin Caloolacad joogay
Oo Meygaag Ciiden war qaatay

Waa cibaaro qabaayoo
Belaayuu curufkeediyo
Camalkeeda yaqaane
Waar tolow, colka jooja!

Nin habeenno casheeyay
Cadar aan hadh lahayn
Iyo ceeryaamays ugu toosta
Oo inuu caafiyaddiisa
Cabbaar meel la fadhiisto
Caqligaanay gelayne
Waar tolow, colka jooja!

Carabkaan ku hadlaayona
Nin callenti caddaatiyo
Caamadaan garanayn oo
Kolkay caruuri dhintaane
Cutub weyni cidlaataa
Lays canaanan haddhowe
Waar tolow, colka jooja!

Labadiinnan cuure
Is u coobe ridaayow
Cidna ways u xignaa
Ciilna ways u qabnaa
Canla na waa is ogayn?
Shantii Caadle lahayd
Iyo curadkii habartay iyo
Cali Fiin ma illaawin
Oo raggii ceeriga yiilla
Cabasaannu ahayn
Oo Jaamacii calmanaaye
Codkar noogu horreeyiyo
Rabjaan baydin cayaayir
Iyo caado dhaaf ku disheen
Oo haddii aad is cuntaan
Idin caabudan maayo
Oo waa intaan mid la ciidmi
Oo ka kaleeto ku ciiriye
Waar tolow, colka jooja!

Intii baad cantarteen oo
Cunkadaydin marteen
Oo meydkiinnii cammirraa ye
Candhadheerta dhurwaa
Iyo ciidda haaddu ku jiidday
Iyo cuqduudkii ka baxdeen
Oo cosobkii Balanbaal
Iyo caleentii Karamaan
Oo Cayn baa oo gudhsateen
Oo cambartii geela dhalaysiyo
Adhaa ceegan guryaa e
Waar tolow, colka jooja!

Nin carruur iyo maato
Iyo calli reero la yaal
Oo I coofaaya golaa
Oo cararaaya had dhow
Iyo nin colaad talinaaya
Oo caddaystaydinka buuxa e
War tolow colka jooja