Abiy Ahmed oo la filayo in uu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee Itoobiya

Addis-Ababa – (warsoor) – Abiy Ahmed ayaa ku guuleystay in loo doorto guddoomiyaha Xisbiga Talada haya ee Dalka Itoobiya,kaasi oo ah siyaasi Muslim ah oo kasoo jeeda qowmiyada Oromada ee Wadankaasi Itoobiya.

Waxaa Tallaabadan ay u muuqataa mid horseedaysa amma dhabaha u xaaraysaa  in Abiy Ahmed uu noqdo Ra’isulwasaarihi saddexaad ee ay Itoobiya yeelato muddo 23 sano ah,sida ka muuqata haykalka siyaasadeed ee qaab dhismeedka Dowladda Dalkasi Itoobiay.

Isbedelkan siyaasadeed ee ka dhacay Dalkaasi Itoobiya iyo Ku-dhawaaqiddan guddoomie Abiy Ahmed ayaa timid ka dib bilo dibadbaxyo xoog badan oo ka jiray gobolada Oromada iyo Amxaaradda, dibadbaxyadaas oo keenay in la sii daayo siyaasiyiin caan ah iyo warfidiyeenno dawladda u xirnaa.

Bulshooyinka ku nool Dalkaasi Itoobiya oo ay Soomaalida ku jirto ayaa qoorkood aragtiyo kala-duwan ka muujiyaya doorashadan,qaar ayaa aaminsan in ay tahay talaabo wanaagsan,halka kuwo kalena ay muujinayaan in weli muuqato doorasho hal dhinac ah oo xisbiga talada dalkaasi haya un ku kooban,balse loo baahnaa in doorasho xor iyo xalaal ah lagu bedelo.

Dhawaan waxaa is casilay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalkaasi Itoobiya Hailemariam Desalegn,taasi oo soo dedejisay in uu dhoco isbedel siyaasadeed,waxaana muuqataa in Qowmiyadda Oromada ay degnaansho muujin doonaan hadiiba ay heleen hoggaanka Dalkaasi.

Guddoomiyaha cusub ee Xisbiga Talada Haya ee Dalkaasi Abiy Ahmed ayaa ah siyaasi aqoon sare leh islamarkaana uu wax ku soo bartay wadamo kaladuwan oo caalamka kamid ah,waxaana la tilmaamayaa in uu ka aqoon badan yahay hoggaamiyaashii hore qaarkood,waa siyaasi aabihii uu muslim yahay hooyadiisuna ay Masiixi tahay.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.