70 qof oo ku dhintay weerar ‘gaas loo adeegsaday’ oo Suuriya ka dhacay

Suuriya – (warsoor) – Shaqaalaha gurmadka degdega iyo howlwadeennada caafimaadka ayaa sheegaya in ugu yaraan 70 qof ay ku dhinteen weerrar looga shakisan yahay inuu kiimiko ahaa oo lagu qaaday magaalada Douma ee ay fallaagadu ka taliso, ee waddanka Suuriya.

Kooxda iskood isku abaabushay ee gurmadka degdega ee loo yaqaan White Helmets ayaa waxa ay barteeda Twitterka soo dhigtay sawirro muujinaya dhowr mayd oo yaal dhul dhaca hoose guryo halkaas ku yaal.

Waxa ay kooxdaasi sheegtay in tirada dadka weerrarkaasi ku waxyeeloobay ay u badan tahay inay sare u kacdo.

Dowladda Suuriya ayaa eedaha ah in ay qaadday weerrar weerrar kiimiko ah waxa ay ku tilmaantay mid been abuur ah oo la buunbuuniyay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee waddanka Mareykanka ayaa waxa ay sheegtay inay si dhaw ula socoto waxa ay ku tilmaantay “warar murugo leh”, iyadoo sheegtay in Ruushka oo ka garab dagaalamaya ciidammada dowladda Suuriya, uu qaadi doono mas’uuliyadda haddii weerrarkaasi lagu adeegsaday hubka kiimikada ah ee sida daran wax u laaya.

Weerrarka ayaa inay gaysteen waxaa lagu eedeeyay diyaarado nooca qummaatiga u kaca ah oo la sheegay in magaalada ku duqeeyeen barmiillo ay ku jiraan sunta sarin.

 

 

Xigasho: BBC SOMALI

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.