162-ruux oo laga soo badbaadiyay Badda u dhexeysa Libiya iyo Talyaaniga

Talyaniga – (warsoor) – In ka badan 160-qof oo isugu jiray  muhaajiriin iyo qaxooti  oo laga soo badbaadiyay badweynta dalka Libiya ayaa laga dajiyay dekedda Taranto  ee kooonfurta dalka Talyaaniga, sida ay xaqiijiyeen hay’adda samafalka ee SOS Mediterranee.

Muhaajiriinta, oo ay ku jiraan 50 caruur ah iyo shan haween ah oo uur leh, ayaa waxaa badbaadiyay koox lagu magacaabo hay’adda samafalka ee SOS Mediterranee oo ay la socdaan dhaqaatiirta aan xuduudda laheyn ee MSF.

Dadka muhaajiriinta ah ee la badbaadiyay ayaa lagu waramay in ay wateen 2-doon oo kala ah caag iyo mid alwaax ah, waxana maamulka talyaaniga uu ogolaaday dhamaan dadkaasi la soo badbaadiyey in laga dejiyo dekedda TarantoNicola Stalla, oo ah isku duwaha badbaadinta NGO-ga ee saaran markabka Ocean Viking ayaa sheegay in iyadoo lagu jiro xilligga qaboobaha ee badda Medetreaniamka ay suurtagashay in la badbaadiyo dadkaasi,balse haddii aysan jirin wax gurmad ah oo loo fidiyo muhaajiriinta ay dhici laheyd in cimilada oo ka sii dareysa aawadeed ay adkaan laheyd xaaladdooda.

Bishii Oktoobar, Talyaanigu wuxuu dib u cusbooneysiiyay heshiis aad loo dhaleeceeyey 2017-kii oo ay la galeen ciidamada ilaalada xeebaha dalka Liibiya si loo xakameeyo muhaajiriinta isku dayaya inay u safraan dalalka Yurub.

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.