16 Faa’iido oo ay Leedahay Liin-dhanaanta Biyaha Diiran Lagu Daro

Liin-dhanaantu waxay ka mid tahay khudradda qani ku tahay fiitamiinka C-ga waxay kor u qaadaan qaadana caafimaadka iyo quruxdak qofka iyadoo maqaalka ka qof dib u cusboonaysiinay kana dhigaysa qof da’a yar oo wajigiisu dhalaalayo.

Faa’iidooyinka caafimaad ee waaweyn ee ku jira biyaha diiran ee lagu daro Liin-dhanaanta waxay dhabadda u xaadhayaan inaay si dhakhso ah cayirka qof uga ridaan, waxaanaay si weyn kaaga saarayaan cayilka saa’idka ah ee jidhkaaga ku jira.

Biyaha Diiran Liin-dhanaanta lagu daraa waxay jidh ka saaraan Sunta

Biyaha diiran  ee liin-dhanaanta lagu daraa waxay aad u fiican yihiin in la cabo subaxa hore, waxay taasi keenaysaa in habdhiska dheefshiidka ay ka caawiso in jidhku si fudud dibadda isaga soo saaro wakhyaalaha qashinka ah eek u jira, waxa ay sidoo kale Biyaha diiran  ee liin-dhanaanta lagu daraa ka hortagaan shubanka biyoodka iyo calool istaaga, waxanay qofka u sahlaan inay si fudud saxaraddu u soo dhaafto.

Faa’iidooyinka Naqo ee Liin-dhaanta

Hal koob oo Liin-dhanaan lagu daray waxaa ku jiraan macdahana Calcium, potassium, Iron, Vitamin A,  vitamin C iyo pectin fibre.  Liin-dhanaantu waxay sidoo kale leedahay faa’iidooyin caafimaad oo waxay jidhka ka dhifaacdaa bakteeriyadda.

Liin-dhanaanta oo ah khudrad caan ah waxay ilaalisaa habka dhifaaca Jidka waxaanay ka difaacdaa dhamana noocyadda infakshanadda ee jidka soo weeraraya, sidoo kale Liin-dhanaantu waxay nadiifisaa dhiiga. Liin-dhanaantu sidoo kale waxay u fiican tahay dadka wadnaha ka cabayana maadaama ay Liin-dhanaantu ay aad ugu badan tahay macdanta Potassium oo u fiican shaqadda wadnaha.

16 Faa’iido oo ay Leedahay Liin-dhanaanta Biyaha Diiran Lagu Daro

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.