𝗗𝗮𝘄𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗮𝘂𝗱𝗶 𝗔𝗿𝗮𝗯𝗶𝗮 𝗢𝗼 𝗢𝗴𝗼𝗹𝗮𝗮𝘁𝗮𝘆 𝗕𝗮𝗮𝘀𝗮𝗮𝗯𝗼𝗼𝗿𝗸𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱

Dawlada Sucuudiga ayaa aqoonsatay Basabooradooda Somaliland gaar ahaan nooca loo yaqaan Diplomatic Passaport si rasmi ahna waxa loogu tagay Sucuudiga.

Dublamasiyiinta iyo Madaxda Somaliland ka socda ee Sucuudiga u safray ayaa loogu dhuftay shaambada aqbaalada gelitaanka ee Sucuudiga Basaboorada Somaliland ee dublamaasiga ah markii ay ka dageen Madaarka Boqor Cabdicasiis ee caasimada labaad ee Sucuudiga ee Jeddah.Somaliland Diplomatic Passport ayay dawlada Sucuudigu u tixgalisay si la mid ah kuwa dalalka ay jaarka la tahay ee Muslimiinta ah ee ay ka mid yihiin Soomaliya iyo Jabuuti.

Waa markii ugu horaysay abid ee Baasaboorka Somaliland lagu galo Sucuudiga halkii awal looga baahanayay in aad isticmaasho basaboor kale.Xukuumadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi ayaa mudadii ay joogtau tacab badan gelisay sidii kor loogu qaadi lahaa qiimaha Baasaboorka Somaliland iyo Qarinamadeedana loo gaadhsin laha dalalka calaamka.