Madaxweynaha JFS oo furay shirka Madasha Wadatashiga Qaranka

 

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada si rasmi ah uga furay Madasha Wadatashiga hoggaamiyeyaasha qaranka ee ay ku mideysan yihiin hoggaanka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa lagu gorfeyn doonaa arrimaha siyaasadda iyo amniga.

Dhanka siyaasadda waxaa shirkan uu ka doodi doonaa arrimaha doorashada 2016-ka iyo dhaqan-gelinta hannaanka lagu heshiiyay ee doorasho iyo arrimaha kale ee ku xeeran.

Waxaa sidoo kale madaxda ay ka doodi doonaan Barnaamijka Siyaasadda Amniga Qaranka.

Madaxda ka qeybgaleysa shirkan ayaa waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Maxamed Cumar Carte, iyo madaxda dowlad goboleedyada Koonfuur Galbeed, Puntland, Galmudug iyo Jubbaland.

madaxweynaha_soomaaliya madaxweynaha_puntland_galmudug madaxweynaha_jublland_Koonfu_Galbeed

Xigasho: Sonna

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.