Siyaasiyiintii WADDANI ee Ku Xidhnaa Saldhiga Dhaxe ee Hargeysa oo Gebi ahaan ba Ka Soomay Cuntadii+Xaaladdooda Caafimaad oo Aad u Liidata

Hargeysa -(warsoor) – Guddoomiyahii garabka dhallinyarada WADDANI Md.Maxamed Siddiiq Cabdillaahi (Dhamme) iyo weli ba sida oo kale xoghayahii ciyaaraha ee Xisbigaasi Md.Yoonis Axmed Yoonis oo muddooyinkii dambe ku xidhnaa saldhiga dhaxe ee magaalada Hargeysa, ayaa gebi ahaan ba ka soomay cuntadii la cunaayey ka dib markii ay cabasho xooggan ka muujiyeen xadhiga ay illaa hada xidhan yihiin oo ay ku tilmaameen in uu yahay mid sharci darro ah.
Warar xog-oggaal ah oo aanu ka helnay siyaasiyiintaasi, ayaa sheegaya in maalintii labaad aanay jirin wax cunto ah oo ay cuneen, waxaana ay cunto ka soomiddaasi ku sababeeyeen in ay ka dhalatay ka dib markii ay cadaalad ka waayeen hay’adaha Garsoorka Somaliland oo aanay illaa hadda garaneyn sabab ay u xidhan yihiin iyo weli ba sida oo kale tacadiyo looggu geystay saldhiga dhaxe ee magaalada Hargeysa oo u la dhaqmay qaab aad u fool xun oo cadowtinimo ah.
Xisbiga WADDANI ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Hargeysa, waxaanay ka dayriyeen xaaladda xubnaha xisbiga ee ku jira xabsiga, waxaanay xukuumadda ugu baaqeen inay xoriyaddooda u soo celiso.
Halkan ka daawo shir jaraa’id oo xoghayaha xisbiga WADDANI qabtay:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.