Siyaasiyiin Doonaya In Ay Dib U Dhistaan Xisbiga KULMIYE, Dadaallada Socda Iyo Su’aal Ka Taagan Sidii Madaxtooyadu Isu Qabadsiin Lahayd Furista Ururrada Iyo Dhismaha KULMIYE

Hargeysa – (WARSOOR) – Siyaasiyiin muddo xisbiga KULMIYE ka maqnaa, kuwo badi ku cusub saaxadda siyaasadda, aqoonyahanno iyo daneeyayaal kale oo is urursaday ayaa doonaya in ay boodhka ka jafaan dhiig cusubna u noqdaan xisbul Muxaafidka talada Somaliland haya ee KULMIYE, kuwaasi gudo iyo dibadba muddooyinkii dambe daraasado iyo waxa xaajoodyo hoose ku waday xaaladdaasi oo in badan qarsoodi ahayd balse imika uun si rasmi ah u soo shaac baxday.

Daneeyayaal kala duwan oo sallaanka siyaasadda doonaya in ay soo fuulaan iyo sidoo kale in badan oo ka mid ah dadkii xisbiga KULMIYE aadka uga dhex muuqan jiray, kuwo caan ah oo muddoba saluugsanaa geeddi socodka xisbiga iyo dhinacyo kala duwan oo ay ka wada dhex muuqdaan beelaha Somaliland ayaa in muddo ahba waxa ay kulamo hoose ka lahaayeen sidii ay xisbiga KULMIYE dib u dhis ugu samayn lahaayeen, haddii ay noqoto maal-galin iyo haddii ay noqoto dhisme kaleba waana haddii ay ugu dambayn laydhka cagaaran ka helaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo isaga laftiisa la sheegay in uu kooxdan ku war galiyey in ay ku dadaalaan in ay xisbiga dhistaan haddii uu ka soo baxo Ururnimadana ay sidaa ku hantaan maadaama la sheegay in Madaxweynuhu ku dhiirran doono dhawaan furista ururrada siyaasadda si uu ula dagaalamo xisbiyada Mucaaridka ah ee wakhtigan jira.

Kulamo in badan dalka dibaddiisa iyo gudihiisaba ka socday ayaa ilo –wareedyo u dhuun daloola shirarkasi waxa ay wargeyska Foore u xaqiijiyeen in siyaasiyiin saaxadda ku cusub, aqoonyahanno iyo siyaasiyiintii horeba qaarkood ay muddoba ku hawlan yihiin sidii ay boodhka uga jafi lahaayeen xisbiga KULMIYE oo in muddo ahba hoos u dhac weyni ku yimid kadib markii ay xisbiga isaga dareereen badiba kaadirkii xisbigaasi wax badan ka soo dhisay oo ay siyaalo kala duwan isku seegeen kuna kala dhinteen siyaasadda Guddoomiyaha xisbiga oo ah Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Si cad looma oga in Madaxweynuhu la socdo kooxdan isu abaabulay in ay soo xoogeeyaan xisbiga KULMIYE oo uu isagu marka horeba saamayn ku lahaa aasaaskooda iyo in ay iyagu ahaayeen kuwo inta ay is abaabuleen isna la qaatay qorshaha ay wadaan balse waxa la ogaan doonaa dhawaan marka ay si rasmi ah shaaca uga qaadaan is baddallada ay doonayaan in xisbigan lagu sameeyo.

Dhinaca kale Xisbiga KULMIYE oo dhawaan la filayay in uu qabsado shirweynihiisa ayaa waxa u taagnaa xilka guddoomiye illaa imika Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga ahna wasiirka Daakhiliga Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed iyo sidoo kale Wasiirka Caafimaadka isla xukuumadda KULMIYE Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) kuwaasi oo aan la ogayn halka uu marayo dadaalkooda musharraxnimo iyo sidoo kaleba ka go’naanshaha xisbiga KULMIYE in uu qabsanayo shirweynihiisa guud waana arrimo huursan oo aan illaa imika si cad loo ogayn halka ay sal dhigan doonaan.