Siyaasi Jaamac Hilaac Oo Soo Dhaweeyay Qodobadii Heshiiska Dar-Dargelinta Doorashooyinka

HARGEYSA – (WARSOOR)  – Jaamac Maxamed Hilaac oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland, ayaa soo dhaweeyay heshiiska xisbiyada iyo Komishanka ee la xidhiidha xoojinta geedi socodka dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka Somaliland. 

Jaamac Hilaac oo maanta u warramayey Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa sheegay in doorashooyinku yihiin masuuliyad wadareed ay tahay daneeyeyaashu ka gutaan waajibaadkooda, waxaanu madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu ku bogaadiyey in xukuumaddu ay wada bixisay kharashkii lagu qabtay diiwaangelintii codbixiyeyaasha isla markaana ay dhaqaale badan ku bixisay doorashadan isku sidan ee Wakiilladda iyo Deegaanka. 

Jaamac Hilaac wuxuu tilmaamay in Doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo Deegaanku ay yihiin mid caalamku si dhow ula socdo oo ay Somaliland ku mutaysan karto karaamo iyo tixgelin ka badan intii ay ku heshay kuwii hore.