Siyaasi Cabdi Haybe Oo Ka Haddlay Shir doceedlii Burco Ka Dhacay

Hargeysa – (warsoor) – Siyaasi  Cabdi Haybe Maxamed oo kamid siyaasiyiinta Xisbiga WADDANI ayaa maanta ka haddlay shir doceed ka dhacay magaalada Burco, isla markaana wuxuu ka jawaabay haddal ka soo yeedhay wasiirada maaliyada Somaliland, kaasi oo ay wasiirada Samsam ku sheegtay in ay beelaha Sacad Muuse Iyo Habar-jeclo ay galeen heshiis, balse cabdi haybe ayaa  sheegay in aanu jirin wax heshiis ah oo ay galeen beelahaasi,waxaanu sitaasi ku sheegay mar uu maanta war-baahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa,gaar ahaan xarunta Xisbiga WADDANI.

“Waxaanu ka hadlaynaa weeyaan dhibaatooyinka abaareed ee dhacay iyo kaambaynka ku dhex jira ee Kulmiye uu wado, ceebaha ka dhacay shirkii la iskugu yimi Burco ee waftigii wada socday ee wasiirada iyo madaxwaynuhu ay ka midka ahaayeen ee lala kala faqay ee Qabyaalad lagu kala abtirsaday ee la kala saaray dadkii,Waxa weeyaan heshiiska la sheegaayo ee 1954 kii dhacay ee labada Beelood ka hadlaaya, malaha waxaan u malaynayaa “NAF-tii” buu ahaa barigii Maykal iyo Axmed Xassa, heshiiskaasi waxay ahayd baryihii asxaabta la sameeyey ee N Iyo F-tii , SNSh-tii  USP-dii, la aas aasay ayay ahaydoo Marxuumkii Axmed Xasan iyo Maykal Maryama heshiis ma jirine waxay ahayd beryihii asxaabtii ayaa la sameeyey  SNSh-tii  oo uu Marxuum Cigaal madax u ahaa NAF-tii oo Maykal Marayama madax u ahaa Axmed Xassan oo ku xigeenkiisa ahaa,heshiis reereed oo dhacay muu jirine, wuxuu ahaa xisbiyadii la aas aasay ee barigii ee gobonimo doonka aynu ahayn ayay ahayd, wax-yaabaha imika dhacaya ee la sheeg sheegayaa ma jiro,”Ayuu yidhi Siyaasi Cabdi Haybe.

cabdi-haybe

Siyaasi Cabdi Haybe oo haddalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray “Xisbiyadii berigaa la abuurey ee lagu tartamaayey barigaa NAf-tu kursi ayuunbay heshoo kursigaana waxa kusoo baxay Maykal Maryama ma jooratigana waxa qaatay SN Shii iyo USP-dii oo markii dambe isku biirey ayaa qaatay majooratigii kuraastii ugu badnayd, laakiin heshiis reereed oo laba beelood ku heshiiyeen iyo Cahdiyo la kala qortey midna may jirin, intiina halkan taagan midkiina muu jirinbaa u malaynayaa 1954kii 1950-gii ilaa wixii ka horeeyey markaa waxan laga sheekaysanaayo muu ahayn heshiisyo qabiile waxay ahayd siyaasadii barigaa bilaabantay ee xisbiyada.

Dhanka kalena Siyaasi Cabdi haybe ayaa waxma kama jiraan ku sheegay warar ay war-baahinta afka xukuumadda KULMIYE ku hadasha ka qortay guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiqaadir Jirde “Ceebtan ka dhacday Tv-yada ee laga so daayayna iyo jaraaidka oo shalay aan ku arkaaayey qaab loogu soo qorey oo la leeyahay xisbiga Waddani gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee la sameeyey iyo waa Waraabe u taag iyo Xirsi baa noqonaya ka asalka ah, waa isku dir waa diraan dir la isku diraayay xisbiga ee sheeko jirta maaha”.

Ugu dambayntii Siyaasi Cabdi haybe ayaa sheegay in aan hadda loo baahnayn in dadka qaabil loo kala saaray, balse loo baahanyahay in Somaliland la hour mariyo,isagoo xusay in uu hadda Xisbiga KULMIYE bilaabay olole aan xiligiisa la gaadhin “Abaartii dhacday iyo dhibaatooyinka jira dalku uma baahna siyaasad, iyo in somaliland   qabiil qabiil la kala shiriyo waa wadan mid ah , Bari ilaa Galbeed imika se ollalahan uu bilaabay Kulmiye waxa uu u muuqdaa ilaa Berbera ilaa Burco waxa ka socdaa in waddanka lagu kala qaybinaayo,markaa laba reer haday heshiiyaan reerihii kale xagee laga tagayaa ma cirkaa loo direy mise waa Waraabe u Taag waxaa ku talin lahaa in laga waan toobo oo kaambaynka Kharaskii iyo lacagtii umada ka dhaxaysay lagu olalaynaayo ee qabiil lagu kaambayn garaynaayo in la joojiyo oo loo soo noqdo runta iyo Somalilandnimada oo abaaraha iyo dadkan dhibaataysan biyo rashin deg dega iyo Daawooyin la gaadhsiiyo.”

Waaxda War-faafinta Xisbiga WADDANI

Hargeysa Soma.liland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Siyaasi Cabdi Haybe Oo Ka Haddlay Shir -doceedlii Burco Ka Dhacay