SIYAASAD MISE MAADAYS?!!!

Horta siyaasadda Somaliland waa maad miidhan. Sidaad duruufo run u eeg iyo hirar qurux badani kuugu muuqdaan ayuun baad u gelaysaa dhallaan-habaabis, aad mararka qaarkood kala garan waayeyso siyaasiga iyo majaajilaystaha.

Kal kasta koronkor siyaasiyiin ah ayaa dillaacada oo dhan walba qaaqdoodu ka yeedhaa, saa ma tamariyaan ee midiba maalinbuu qaadhaa oo ugu dambaynta aad arkaysaa in gegidu cidla ciirsi la’ tahay. Markaas oo kale miyaanad xasuusan tuducda Hadraawi ee ahayd “Goblan wiilal lagu falaan ahay”

Bal adiguba dib u fikir oo intii aad siyaasaddeenna gaaraadka u lahayd, imisa hebel la yidhi oo habeenno laga seexan waayey sacab ay lacag ku iibsadeen, ayaa madallooti noqday? Ma se yaabtay markaad aragtay iyaga oo inta ay shaadhkii soo beddesheen haddana gegi kale ka boodaya, ama hadal aan waxtarin dadka ku harraadinaya.

Waxaa la yidhi Filimku waa beenta keliya ee iyada oo qofku uu ogyahay in uu been yahay, haddana uu si qiiro iyo dareen leh u rumaysto. Malaha siyaasaddeenaaba la mid ah ee. Dawadayaal baa jira dadkeenna ah oo xiisad kasta oo dhacda dhinac sacabka u tuma, berri marka ay jilayaasha is hayey is fahmaanna weji gabaxa lama dhuuntaan ee maalin kale oo ay sacab tumaan bay sugaan.

Ururrada la furi rabo dadka doonayaa waa isla intii hore uga midka ahayd xisbiyada jira iyo xukuumadihii ina soo maray oo weliba badankoodu aan ammaan kursiga kala tegin. Kuwa diiddanina waa inta xisbiyada looga tegey markii ay diideen in si sax ah bilaydhka loo wadaago.

Wanaagsanaan lahaydaa in aynu aragno wejiyo cusub iyo da’ yarta waxbaratay ama ganacsiga ku jira oo markan iyagu sacab doonaya.

Waxa se ka sii fiicnaa in aynu aragno abaabullo iyo ololayaal dadweyne oo lagu dalbanayo in xisbiyada iyo xukuumaddaba loo dhiso nidaam la wada leeyahay, furfuran oo leh kadimo laga galo oo ciddii shuruudaha looga baahanyahay martaa ay illaa mixraabka socon karto. Cidda talada inoo qabatana la dhacsiiyo ‘ku aargoosi sharciga iyo in hadba looga faa’idaysto loollanka siyaasiga ahi, in aanay dalkan ku hoggamin doonin guryasamo’.

Wuxuu yidhi degmadayada
Dugsi keliya baa jira
Diric keliya baa dhiga
Dersi baanu baranaa
Dulliga iyo beentiyo
Doqonniimo faankiyo
Qoqobkiyo dirsociyo
Ducadiyo yaboohdiyo
Inta laga diqoodiyo
Dawersigu ka kow yahay
Digashadu u mudan tahay

ALLE HA DAAYO #Hadraawi

Kamaal Marjaan