Sirdoonka Al Shabaab waxay u shaqeeyaan sida “Jinka”

Muqdisho – (warsoor) – Waxaa sii xooggeysanayaa awoodda ururka Al-Shabaab, inkastoo uu jiro dagaal socday muddo 12 sanno ah oo ka dhan ah, kaas oo ay riixeyso Qaramada Midoobey, balse ururkan ayaa leh shabakado sirdoon ah oo isku xiran oo si weyn ay ugu tiirsan yihiin, sida ay ku warrameyso weriyaha BBC Mary Harper.

Waxay tiri, markii aan kasoo laabtay dalka Soomaaliya, waxaa isoo wacay xubno ka tirsan Al-Shabaab, markii aan durbadiiba soo gaaray dalka Ingiriiska. Waxay isoo waceen ka hor inta aysan isoo wicin qoyskeyga oo aysan igu oran ‘nabad maku timid’, xilli aan sugayay gaari si uu guriga ii geeyo.

Mary Harper ayaa waxay ka warbixisay dhacdo qabsatay xilli ay booqasho ku tagtay magaalada Baydhabo, waxaa ay sheegtay in loo sheegay waxyaabahii ay qabatay intii ay magaalada joogtay iyo goobaha ay socodka ku martay.

“Waxaa gaartay xarun bangi, nasiib darro waa uu xirnaa, waxaad garaacday albaabka xaruntaas, waxaad isku dayday in aad iska furto, halkaas waxaad isaga qaaday sawirro,” waxaa sidaas ku yiri xubin ka tirsan ururka Al Shabaab.

Waxay sheegtay inay u sheegeen in ilaaladii la socotay aysan laheyn wax xirfad dagaal ah oo amnigeeda ay ku ilaaliyaan.

“Ilaaladii ku waardiyeyneysay ma lahayn wax xirfad ah, way iska sheekeysanayeen, xilli ay qoryaha ku siteen garbahooda intii ay sugi lahaayeen ammaankaaga,” ayay ku yiraahdeen Al Shabaab.

Mary Harper ayaa weydisay sida ay ku ogaadeen meelihii ay martay intii ay ku sugneyd magaalada Baydhabo iyo sida loogu kalsoonaan karo warkooda.

Waxay u sheegtay in arrintani ay ka argagaxday maadama ay si dhaw ula socdeen dhaqdhaqaaqyadeeda iyo qorshaheeda Soomaaliya.

“Waxay igu yiraahdeen waxbo ha ka welwelin dhacdooyinkaas qaar ee dhaca mararka qaar oo dhibaato kuu horseedi karo,” ayay tiri Mary Harper.

“Al Shabaab meel kasta ayay joogaan”

Waxaan filayaa in dadka dusha kala socday safarada aan ku marayay Soomaaliya ay kamid yihiin laanta sirddoonka ee Amniyaat iyo shakhsiyaad kale oo u xilsaaran uruurinta xogta sirdoonka oo ay ururka lacag ku siiyaan.

Waa arrin argagax leh, waxay kamid tahay qaababka Al-Shabaab ay kula socdaan dadka ay doonayaan inay qortaan, kuwo ay u handadaan ama kuwo ay doonayaan inay khaarijiyaan.

“Al-Shabaab sida Jinka ayay wax kasta u ogyihiin”, waxaa sidaas yiri wiil dhallinyaro ah oo ay doonayeen inay tallaabo ka qaadaan ururka kaddib markii uu qalab uu kamid yahay qaboojiye ka iibiyay shaqaalaha Qaramada Midoobey iyo xubno ka tirsan ciidammada AMISOM oo ay dhammaantood u arkaan cadow.

Nin kale oo kasoo baxsaday Al-Shabaab ayaa sheegay in maalin ay soo weceen xubno ka tirsan ururka oo ay u sheegeen “waddada uu marayay xilliggaas iyo midibka dharkii uu xirnaa”.

Dadka qaar waxay sheegeen in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ugu tageen goobaha ay ka shaqeeyaan, gudaha magaalada Muqdisho ayna u hanjabeen ama isku dayeen inay qortaan.

“Laanta Amniyaat-ka waa xidada ururka uu ku nool yahay, waana awoodda ugu weyn, haddii Amniyaatka la burburiyo, waxaa meesha ka baxaya jiritaanka Al Shabaab,” ayuu yiri Xuseen Sheekh Cali, oo ahaan jiray la taliyihii amniga ee madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna agaasimaha machadka Hiraal oo uu fadhigiisu yahay Muqdisho.

Dadka ka tirsan sirdoonka Al-Shabaab ee Amniyaat waxay mushaar ahaan u qaataan in ka badan midka la siiyo dadka kale ee ka tirsan ururka, waxay joogaan meel kasta oo ay kamid tahay goobaha lagu tilmaamo inay amni yihiin.

“Waxay ka howlgalaan deegaanada cadawga”

Mary Harper waxay sidoo kale ka dhawaajisay in marka ay ku sugan tahay goobaha sida weyn ammaankooda loo adkeeyay, sida garoonka caalamiga ee Aadan Cadde, inay soo wacaan xubno ka tirsan Shabaab oo ay ku yiraahdaan waxaan la soconaa weli in aad dalka Soomaaliya ku sugan tahay.

Maxamed Mubarak oo ah cilmi-baare ku sugan magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in tirada xubnaha ka tirsan Amniyaatka lagu qiyaasay inta u dhexeeysa 500 ilaa 1000 qof.

“Waxaa loogu talagalay inay ka howlgalaan deegaannada ay u arkaan inay ku nool yihiin dadka cadawga ku ah, waxay inta badan wakhtigooda ku dhameystaan dhulka dowladda,” ayuu yiri Maxamed.

Wuxuu sidoo kale sheegay in haweenka ka tirsan ay qeyb libaax leh ka ciyaaraan caawinta xubnaha ka tirsan Amniyaatka.

“Awoodda Amniyaatka”

Amniyaatka waxay ka kooban yihiin qeybo kala duwan, waxay inta badan diiradda saaraan arrimaha sirdoonka halka qaarkoodna ay u qaabilsan yihiin fullinta weerarada bambaanooyinka iyo dilalka.

Dadka kasoo goosta Al-Shabaab waxay ka cabsadaan inay qabtaan Amniyaatka, waxayna sheegaan in waddada kaliya ah ay kaga badbaadi karaan ay tahay inay dalka Soomaaliya ka cararaan.

“Al Shabaab marar badan ayay isoo waceen, waxaan isku dayay inaan ku dhex dhuunto magaalooyinka waaweyn sida Muqdisho iyo Baydhabo balse waxaan ka cabsanayaa inay iqabtaan, waxaan ku badbaadi karaa aan aado goobo ammaan ah, sida Yurub ama dalalka Khaliijka,” waxaa sidaasi yiri nin horey uga tirsanaa Al Shabaab.

Sida laga soo xigtay, Richard Barrett oo horey u ahaa agaasimaha howlgallada la daagallanka argagixisada caalamka ayaa sheegay in Amniyaatka ay leeyihiin awood badan isla markaasna ay yihiin koox abaabulan.

“Waa sida booliskii qarsoodiga u howlgeli jiray ee heystay fikradaha iyo mabaadii’da Midowgii Soviet ee leh awoodda ballaaran, sameeyana howlgallo madaxbannaan,” ayuu yiri Richard Barrett.

Xigasho: BBC Somali


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.