Shirweynaha Qaran Oo Lagaga Hadlayey Caqabadaha Ku Gedaaman Haweenka Somaliland

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo Qoyska Somaliland Mudane Mustafe Maxamuud Cali, ayaa manta si rasmi ah uga furmay Magaalada Hargeysa, shir lagaga hadlayey caqabadaha guud ee ku gedaaman Kufsiga iyo tacadiyada haweenka.

Shirkan, oo ka furmay Huteel Hargeysa Maansoor, ayaa waxa ka soo qayb galay, Masuuliyiinta Xukuumadda, xubno ka socday Ururrada bulshada, garabyada haweenka ee Xisbiyada, Ardayda Jaamacaddaha iyo haween kala duwan, waxaana shirkan oo socday hal maalin ah lagaga hadlay dhibaatooyinka haysta haweenka iyo tacadiyada loo geysto dadka nugul.

Wasiirka Wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada Mustafe Maxamuud Cali, oo isagu furmay shirkan, ayaa ka warramay xaaladda guud ee la xidhiidha tacadiyada loo geysto haweenka iyo heerka uu ka marayo dalka wakhtigan.

Mudane Mustafe Maxamuud Cali, Wasiirka Wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada, waxa uu sheegay in uu kordhay kufsiga dalka ka dhaca iyo tacadiyada la xidhiidhaa “Tacadiyada dhaca waxaa ugu wayn kufsiga. Waxaa labeeya waa gudniinka , ilka dacawo iyo wixii la mid ah. Waxaana nasiib daro ah in kufsigu maalinba maalinta ka danbaysa uu sii kordhinaayo” Ayuu yidhi Wasaaradda shoq gelinta arrimaha bulshada.

Wasiirka Shaqo gelinta iyo Arrimaha Bulshadu, waxa kale oo uu xusay in Wasaaradda ahaan ay ku hawlan yihiin sidii loo heli lahaa xeerar wax ka qabta tacadiyada loo geysto haweenka, waxaanu yidhi “Wasaarad ahaan, waxa aanu soo dedejinaynaa xeerka kufsiga oo imika yaala guurtida, si loo ciqaabo qofka dhibaatadaas geysta”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo gelinta iyo Arrimaha Bulshadu, Cabdirashiid Ibraahin Sheekh Cabdiraxmaan, oo isaguna ka hadlay shirkan, ayaa sheegay in uu meel wanaagsan marayo dedaallada Wasaaradda iyo Hay’addaha la shaqeeyaa ay ku doonayaan in la helo xeerar dhamaystiran oo xakameeya tacadiyada loo geysto haweenka, waxaanu yidhi “Dawladda iyo Hay’addaha la shaqeeyaa horumar ayey ka sameeyeen, wax ka qabashada tacadiyada haweenka”

Isaga oo hadalkiisa sii wata Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo gelinta iyo arrimaha Bulshada, waxa uu intaasi raaciyey “Waxaad dhawaan maqli doontaan, war wanaagsan oo ku saabsan xeerkii lagu dabrayey tacadiyada haweenka iyo kufsiga”
Guddoomiyaha Komishanka xuquuqul Iisaanka Qaranka Somaliland Maxamed Baaruud Cali, oo ka hadlay shirkan, ayaa sheegay in ay socdaan dedaallo lagu doonayo in hay’addaha sharci dejintu ku meel mariyaan xeer wax lagaga qabanayo tacad iyada loo geysto haweenka, waxaanu yidhi “Hay’addaha dawlada iyo Xuquuqul insaanku waxay ku jireen in muddo ah shirar aanu kaga hadlayno sharciga kufsiga, hadda guurtida ayuu hor yaala , sidii loo dhaafin lahaa baanu ka shaqaynayanay , ee uu xeerku u ansaxayo”

Agaasimaha Waaxda qorsheynta ee Wasaaradda Shaqo gelinta iyo arrimaha Bulshada, Maxamed Cabdiraxmaan Aadan oo ka hadlay shirkan, ayaa waxa uu ka warramay qorsheyaasha Wasaaradda eek u aadan wax ka qabashada tacadiyada haweenka, waxaanu yidhi “Waxaanu ka shaqaynaynaa sidii loo heli lahaa xeerar xakameeya tacadiyada haweenka. Sababaha ugu waaweyn ee maanta kordhiyey tacadiyada, waa xeerar la’aanta jirta”

Agaasimaha Waaxda Laamanaha iyo qoyska Muna Ciise Mahad, ayaa iyadu sheegtay in ay Wasaaradda Shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadu soo kordhisay telefoonno ay kala soo xidhiidhaan dadka tacadiyada loo geysto “Waxaanu u sheegaynaa ciddii dhibaato amma tacadi soo gaadho in ay Wasaaradda kala soo xidhiidhi karaan lambarka, 922, si wax loogu qabto.” Ayey tidhi Agaasime Muna Ciise.

Shirkan ayaa lagaga dooday caqabadaha ka jira Somaliland ee la xidhiidha tacadiyada loo geysto haweenka iyo dadka nugul, waxaana dooddan ka qayb galay xubno ka socday Ururrada bulshada iyo haween ka socday Xisbiyada, kuwaas oo si weyn uga hadlay dhibaatada kufsiga iyo tacadiyada kale ee loo geysto haweenka, iyaga oo soo jeediyey in wax laga qabto tacadiyada haweenka iyo kufsiga.
Ugu dambayntii waxa halkaasi su’aallo lagu weydiiyey masuuliyiinta Wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo Qoyska.