Shirkii Golaha Wasiirrada ee Maanta iyo Qodobbo Muhiim ah oo Lagaga Dooday

HARGEYSA – (WARSOOR) – Fadhigii 89-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shirguddoominayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada JSL, waxana diiradda lagu saaray arrimo kala duwan oo muhiim ah.

Ugu horrayn, shirku waxa uu bogaadiyey guulaha taariikhiga ah ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee booqashada shaqo ku joogay waddanka Maraykanka usoo hooyeen dalka iyo kulamadii midho-dhalka ahaa ee ay la yeesheen hay’adaha kala duwan ee dawladda maraykan iyo Diblomaasiyiinta.

Sidoo kale, goluhu waxa uu warbixin la xidhiidha amniga guud ee dalka ka dhegaystay wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka gobollada iyo degmooyinka, Mudane Cabdinaasir Caydiid, isaga oo xusay in sugidda amniga dalku meel wanaagsan marayso.

Dhinaca kale, waxa uu goluhu warbixin dheer oo ku saabsan xaaladda abaarta ee dalka ka jirta ka dhegaystay wasiirka wasaaradda Xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed oo kamid ah guddida gurmadka abaaraha, waxana uu ku dheeraaday tallaabooyinka muuqda ee ay guddida ahaan u qaadeen sidii dadka iyo duunyada abaaruhu saameeyeen loo gaadhsiin lahaa baad iyo biyoba, isaga oo golaha u sharraxay qorshaha wejiga Afraad ee gurmadka abaarta iyo tallaabooyinka ay xukuumaddu qaadi doonto.

Gebogebadii shirka, goluhu waxa uu isku raacay in guud ahaanba la xoojiyo amniga dalka, ciidamada kala duwan ee dalka iyo shacabkana waxa uu ku boorriyey inay laban-laabaan adkaynta amniga. Waxa kale oo uu goluhu usoo jeediyey dad muxsiniinta ah iyo guud ahaanba shacbiga reer Somaliland inay ka qayb-qaataan hawlaha qaran ee gurmadka abaaraha, bulshadana la taakuleeyo.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL