Shirkadda Telesom oo Qabatay Koobka ICT-ga

Boorama – (warsoor) – Waxa aannu tartan kubadda cagta ah u qabanay laba kooxood oo ka dhisan Degmada Boorama oo kala ah: Xiddigaha iyo Asalka.

Tartankan waxa loo bixiyay TELESOM ICT CUP, kaasoo qayb ka ah Shirka iyo Carwada ICT-ga Somaliland.

Xafladdii furitaanka ciyaarta waxa ka soo qaybgalay wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL, mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Ciyaaraha ee Gobolka, Madaxda Telesom ee heer gobol iyo heer Qaran.

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda oo ay weheliyaan badhasaabka gobolka Awdal iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ayaa koobab iyo abaalmarinno guddoonsiinay kooxdii ku guulaystay iyo ciyaaryahanada kale ee mustaystay.