Shirkadda Telesom oo Ka Qayb Gashay Shirka Caalamiga ee GSMA

RUWAANDA – (WARSOOR) – Shirkadda Telesom ayaa ka qayb gashay shirweynaha caalamiga ah ee Mobile oo sanadkan lagu qabtay caasimada Ruwaanda ee Kigale.

Maamulaha Qaybta Horumarinta Ganacsiga Eng. Cali Bosir oo shirkaasi ka qayb galay ayaa yidhi, “Waxa noo farxad ah in nalagu martiqaado shirka sannadlaha ah ee World Mobile Conference oo saddexdii maalmood ee u danbeeyay ka socday magaalada Kigali ee dalka Rwanda, kaas oo maanta la soo gabogabayn doono.

Telesom oo ka mid ah shirkadaha ugu facaweyn dhinaca hal-abuurka tiknoolajiyadda ee Afrika ayaa sannadkan fursad loo siiyay in ay si gaar ah uga qaybqaataan dood-cilmiyeed lagu falanqaynayay doorka ay shirkadaha isgaadhsiintu ku leeyihiin Arrimaha Samofalka (Humanitarian Aid Programs) iyo wada-shaqaynta hay’adaha ku hawlan samo-falka.

Maaha markii ugu horraysay ee Telesom lagu casuumo shirarka ayay qaabanqaabiyaan ururada ku hawlan horumarka tiknoolajiyadda ee ay GSMA ka mid tahay.Telesom dhawrkii sanno ee u danbeeyay xubin firfircoon ayay ka ahayd GSMA.”