Shirkadda Telesom oo ka Qayb-gashay oo shirka caalamiga ah ee ganacsiga Afrika

HARGEYSA – (WARSOOR) – Shirkadda Telesom waxay ku faraxsan tahay inay magaca Somaliland kaga qayb gasho shalay, Salaasa, 23 Nov, 2022 shirka caalamiga ah ee ganacsiga Afrika (Africa Business Forum – 2022), kaas oo uu sannad walba qaban-qaabiyo dalka Taiwan, gaar ahaan Bureau of Foreign Trade (BOFT), MOEA, TAITRA iyo Africa Taiwan Economic Forum (ATEF).

Shirkan waxa lagaga hadlayay HAYAANKA IYO FURSADAHA TIKNOOLAJIYADDA IYO WARSHADAHA (Digital and Industrial Trends and Opportunities). Shirka waxa ka qayb-galay waddamo badan oo Afrikan ah sida: Eswatini, Ghana, South Africa, DR Congo, Nigeria, Algeria, Somaliland, Egypt, Tanzania iyo Rwanda.

Dhammaan waddamadaasi waxay soo bandhigayeen sida ay ugaga faa’iidaysteen tiknoolajiyadda dhinacyada horumarineed gaar ahaan e-Commerce & Digital Development, Medical Equipment, Security Industry, Manufacturing Sector, Renewable Energy (Solar & Wind), Agriculture & Food Processing.

Ugu dambayntii, Telesom waxay ku soo bandhigtay Shirkaasi horumarka TIKNOOLAJIYADDA & ISGAADHSIINTA SOMALILAND iyo geeddi socodka FACA 5AAD ama 5G ee Somaliland.