Shirkadda Telesom oo Dadaal ay ku Kaliyeysatay Ugu Jirta Sidii Sarif-bararka Dalka Hoos Loogu Dhigi Lahaa

Hargeysa – (warsoor) – Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee TELESOM ayaa todobaadkan dalka ka wadda dadaal ay doonayso inay sarif-bararka dalka ka jirta wax kaga qabato, kuna soo celiso sarifka dollar halkisii hore.

Shirkadda Shirkadda ayaa wadda shaqayn dhow la samaysay Baanka dhexe iyo Wasaaradda maaliyadda oo ka dalbaday shirkadda Telesom inay ka taageero sidii sarif-bararka dalka wax looga qaban lahaa. Shirkadda ayaa durbadiiba bilowday inay lacag dollar ah ku soo dayso suuqan sarafika, ka dib markii lacagtii dollarka ahayd ay ku yaraatay suuqa taasinay ay keentay inuu sarifka doollarku kor u kac weyni ku yimid, waxaanu sarif-bararkaasi saamayn toos ah ku yeeshay bulshadda dan yarta ah.

Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Md. Maxamed Xasan Dhoobaale, Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe Cabdilaahi iyo Agaasimaha Horumarinta Bulshadda ee Shirkadda Telesom Md. Cabdiwahaab Maax ayaa si wadda jir ah kormeer ugu soo sameeyey suuqa sarifka ee caasimadda Hargeysa, waxaanay markii ay kormeerka soo dhameeyeen ay shir jaraa’id ku qabteen badhtamaha Suuqa Sarifka ee magaaladda Hargeysa.

Ugu horayn waxaa shirkan jaraa’id ka hadlay gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Md. Maxamed Dhoobaale waxaanu yidhi, “Waxaanu maalmahanba ku guddo jirnay la dagaalanka Sarif-bararka ka jira Suuq-yaddeen Somaliland. Kuwaasi oo runtii aanu u guntannahay in aanu wax ka qabano, sidiii uu shilinkeenu kor ugu kici lahaa, taasi oo ay iska kaashanayaan maalmahan dambe sharaa’iga muwaadiniinta ah ee dalka laga leeyahay oo ay u guntan yihiin inay ka qayb-galaan dhammaantoodba inuu sarifku hoos u dhaco. Waxaanan leeyahay shirkadaheena inagala qayb-galay waa shirkaddo ka damqaday inuu suuqu cidhiidhi ku keeno shilling-ka”.

Agaasimaha Horumarinta Bulshadda ee Shirkadda Telesom Md. Cabdiwahaab Maax oo ka hadlay dadaalka ay shirkadda Telesom ugu jirto sidii sarif-bararka dalka hoos loogu dhigi lahaa, isagoo arimahaasi ka hadlay waxaa uu yidhi, “Waxaa naga go’an in aanu shilinka heerkiisii ku soo celino. Waxaa naga go’an in aanu Centeral Banka iyo Dawladda Dhexe kala shaqayno iyo Wasaaradda Maaliyaddaba in shillinka halkiisii lagu soo celiyo. Waxaan u malaynayaa inay tahay maalintii Afraad ee aanu suuga lacag soo galino haddaanu nahay TELESOM GROUP, oo aanu ugu talo-galnay in aanu qiimaha shilinka halkiisii hore ku soo celino”.

Gudoomiyaha Ururka Sariflayaasha Somaliland oo isna ka hadlay shirkan jaraa’id ayaa TELESOM GROUP ku amaanay dadaalka ay ugu jirto la dagaalanka Sarif-bararka oo maalmahan u dambeeyey sare u kac xawli ku socdaa ku yimid, xukumaddana ay ku adkaatay inay wax ka qabato.

HALKAN KA DAAWO WARKAN:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.