Shirkadda Telesom oo Daah-furtay Mobile App-kii Ugu Horeeyey oo Aad Ka Helayso Adeegyadda Shirkadda

Hargeysa – (warsoor) – Shirkadda isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa bishan February daah-furtay Telesom App-kii ugu horeeyay ee laga hirgaliyo dhulka Soomaalida oo dhan, Telesom App-kan waxaad ku isticmaali kartaa adeegyadda shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom.

Telesom App-kan waxay shirkaddu ugu talo gashey in macaamiisheeda isticmaasha aaladaha caaqilka ah (smart devices) ay heli karaan adeegyada kala duwan ee shirkaddu bixiso.

Daah-furka adeegan waxaa ka hadlay madaxa suuq-geynta ee shirkada Telesom Cabdiraxmaan Aar, waxaanu yidhi, “Iyadoo shirkadu ka duuleyso mar walba in ay macaamiisha u soo kordhiso adeegyo wax ka taraaya baahidooda isgaadhsiineed ayaa waxaanu sanadkan cusub ka bilowney in aanu idiin daah-furno Mobile- app-kan, isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu ku darey in app-kan oo kaliya aanay ku eekayn waxyaabaha aanu macaamiisha ugu talo galney sanadkan cusub balse waxaan idiin soo wadnaa adeegyo badan oo casri ah  kuwaas oo dabooli doona baahida macamiishayada ee dhinacdyada tiknoolajiyadda iyo Isgaadhsiintaba”.

Adeegyadda aad ka heli karto barnaamijkan Telesom App-ka ee shirkaddu soo kordhisay waxaad ka heleysaa faa’iidooyin fara badan oo ay ka mid yihiin:

  1. Telesom App-kan wuxuu macaamiisha u fududaynayaa in ay ka maarmi karaan in ay yimaadaan xarumaha iibka Telesom isagoo macmiilku adeega uu rabo Telesom app-kiisa ka iibsan karo.
  2. Macaamiisha wixii cabasho ah ee ay qabaan waxay ku soo gudbin karaan App-kan dhexdiisa (self-support Complains).
  3. Telesom App-kan wuxuu kuu sahlayaa in aad keydsato dhamaan lambaradda dadka aad la xidhiidho. Haddii Telefoonku kaa lumo ama aad badasho waxaad si fudud u heli kartaa dhamaan dadkii kuu keydsanaa (Simbackup).
  4. Telesom App-kan wuxuu kuu sahlayaa inaad ka furato adeega Anti-theft oo kuu suurto galinaya in aad ogaato simcard-ka lagu isticmaalayo moobaylkaaga haddii lagaa xado ama uu kaa lumo.
  5. Telesom App-kani wuxuu macmiilku ka eegan karaa biilka lagu leeyahay iyo kolba inta ugu jirta lacagta ku hadalkiisa.

Haddaba macmiil si aad adeegan uga faa’iidaysato una isticmaasho, waxaad kala soo degtaa Playstore-ka, marka aad ku shubato (Install), ka dib raac talaabooyinka diwaan-gelinta ee kuu soo bixi doona.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.