Shirkadda Telesom oo $35,000 ugu Deeqday Mashruuca Caruurta Danyarta ah ee La Nool Xanuunka Macaanka

Hargeysa – (warsoor) – Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom ayaa $35,000 ku wareejisay maamulka Cusbitaal Global Polyclinic, lacagtan oo ay shirkaddu ugu deeqdo xanaanaynta Caruurta la nool xanuunka macaanka oo ay shirkaddu maal-galinayso sanadkasta. Munaasibadda ay shirkaddu lacagta ku wareejinaysay ayaa ka dhacday xarunta cusbitaalka ee magaaladda Hargeysa.

Shirkadda Telesom ayaa sannad walba cusbitaalka Global Polyclinic ugu deeq lacageed oo dhan $35,000 si daawo iyo daryeel caafimaad loogu fidiyo caruurta danyarta ee la nool xanuunka macaanka. Cusbitaalkan ayaa gacanta ku haya caruur kor u dhaafaysa 150. Caruutaasi oo la siiyo adeegyo caafimaad oo dhamaystiran iyo talooyin la xidhiidha baahiyahooda gaarka ah.

Maamulaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda Telesom Md. Maxamed Cabdi Darbo ayaa ka hadlay ujeedooyinka shirkadda, “Sidaad la socotaan shirkadda Telesom waxay ka mid tahay, shirkadda isgaadhsiinta dalka ugu balaadhan. Waa Shirkadda ku dadaasha inay bulshadeeda u soo gudbiso adeegyo hufan, iyadoo ku dadaalaysa inay ummada Somaliland ka dhigto dad ku horeeya xagga Tiknoolajiyadda maadaama ay tahay shirkadda looga bartay had iyo jeer inay bulshadda u keento adeegyaddii ugu dambeeyey. Shirkadda hadafkeeda guud waxaa ka mid ah inay u gargaarto bulshadda jilicdasan. Sidaad ka warqabtaan waa shirkadd ku hawlan horumarinta bulshadda. Hore waxay uga qay-qaadatay  abaarihiii weynaa ee dalka ka dhacay, waxay noqotay shirkadda lacagta ugu badan ku bixisay abaaraha. Sanadkan aanu ku jirno duufaantii ku dhufatay goboladda Galbeedka Somaliland ee Awdal, Salal iyo gobolka Gabiley  qayb laxaadle ayay ka qaadatay. ”. Sidaas waxa yidhi Maamulaha Xidhiidhka Dadwaynaha shirkadda Telesom Maxamed Cabdi Darbo.

Maamuluhu isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi, “Shanktii sanno ee u dambeeyey shirkadda Telesom waxay cusbitaalka Global Polyclinic kala shaqaynaysay caruurta macaanka la nool ee danyarta ah, mashruucaasi oo muddo badan soo socday, sanadkii ugu horeeyey 50 qof ayaa lagu bilaabay, maalinba meel bay soo marayey. Hadda 150 qof ayey shirkaddu ka bixisaa  dawadda iyo dhaqaalaha ku baxaya anagoo iska kaashanayna cusbitaalka Global Polyclinic. Runtii waa shirkadda u heelan inay u gargaarto ummaddeeda wixii taagteeda ah maadaama ay ka shaqaysato, kuna heliso wixii ay ka faa’iiday bulshaddeeda.  Waxaa kale oo xilweyni uu naga saraan yahay, caafimaadka, waxbarashadda, ciyaaraha iyo qaybaha kale ee bulshadd. ”, Sidaasi waxaa yidhi Mudane Darbo.

Shiradda Telesom ayaa $35,000 oo ah lacagta sanadkan ee mashuurca macaanka guddoonsiisay Dr. Cabdirisaaq Yusuf Axdar oo ah maamulaha dhakhtarka Globol Polyclinic, waxanau shirkadda ugu mahadnaqay sidey hiil iyo hooba ula garab taagan tahay umaddeeda gaar ahaan caruurta la nool macaanka.

Dr. Cabdirisaaq Yusuf Axdar oo ka hadlay munaasibadan lacagta lagu wareejiyey oo ka dhacday cusbitaalka Global Polyclinic ayaa yidhi,  “Waa runtii farxad weyn noo ah in Shirkadda Telesom ay 5-tii sanno u dambeeyey  nagala shaqeynaysay xanuunka macaanka ee caruurta danyarta ah. Inay maanta nagu guddoonsiiso lacag $35,000 ah oo loogu talo-galay ciyaalkaa danyarta ah in wax loogu qabto, ayaa farxad noo ah. Lacagtaasi inta badan waxaa loo isticmaalaa in bilkasta lagu siiyo dawadda Insulin-ta ah,  waxaan kaloon ku siinaa istiriibiska ilaa 25 xabo ama hal baakidh, waxaa kaloo la siiyaa istiriibiskii wax lagu mudaayey, waxaa kaloo la siiyaa mishiinadda, waxa kaloo la siiyaa baadhitaano lagula soconaayo xaaladahooda. Caruurta xanuunsatana waa la keenaa wixii suurto-gal ah ee loo qaban karano waanu u qabanaa.  Waxaanu shirkadda Telesom uga mahadnaqaynaa iyagoo daryeelka bulshadda qayb-weyn ka ah khaasatan ciyaaladda baahan, waxaanay runtiiku suntan tahay oo ay ku amaanan tahay in wixii ay macaashtay ay bulshadeedii badh ku soo celinayso, runtii waa arin aad u qiimo badan.”

Mid ka mid ah hooyooyina caruurtooda lagu xanaaneeyey cusbitaalka Global Polyclinic ayaa ka warbixisay mashruucan iyo sida ay bulshaddu uga faa’iidaysteen. Hooyaddan ayaa sheegtay inay laba hablood oo walaalkeed dhalay ay qabaan xanuunka macaanka. Hablahan ay ku nool yihiin miyiga, iyadoo cabiraysa dhibta ay kala soo kulmeen hablahan qaban caruurta macaanka ay tidhi, “Hablaha duruufaha aan la soo maray lagama sheekayn karo, aad baa la noogu dadaalaa, waanu nimaadnaa waa la nasiiyaan, waanu noqonaa. Waxa loo dhigaa ma jirto, aad baanu annaga xaggayaga, Allaha ha taageero, dadweynahayagaa, raggayagaa noo jooga  iyo shirkadayaddaa Allaha ha barakeeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.