Shirkadda Laydhka ee Telesom ayaa daah-furtay mashruuc lagu casriyeynayo Laydhka Caasimadda

HARGEYSA – (WARSOOR) – Shirkadda Laydhka Telesom ee TEC ayaa maanta daah-furtay mashruuc lagu horumarinaayo laydhka caasimadda ee magaalada Hargeysa.

Mashruucan ayaa xadhkaha laydhka ee shirkadda la marin doonaa dhulka hoostiisa, iyadoo laga soo qaadi doono dhamaan xarumaha laydka ee ay shirkaddu ku leedahay dalka.

Munaasibada lagu daah-furaayey mashruucan oo ay ka soo qayb-galeen madax iyo masuuliyiin ka kala socday dawladda, shirkaddaha laydhka iyo ganacsato kale ayaa ka dhacday huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha shirkadda laydhka ee Telesom TEC, Eng. Muuse Cali Cige ayaa ka waramay mashuurcan qiimaha uu u leeyahay bulshada, lacagta ku bixi doonta iyo muddada uu socon doono. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale si gaar ah ugu mahadnaqay komishanka cusub ee Tamarta Somaliland.

Halkan ka daawo khudbadihii kala duwanaa ee laga jeediyey xafladda: