Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom oo Hadyo Qaali ah Gudoonsiisay 95 Macmiil oo Ku Guulaystay Abaal-marinaha Jidka Makka, Hano Hadyaddaada iyo Aqoonmaal

Hargeysa – (warsoor) – Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa  abaal marino guddoonsiinay 95 macmiil oo ku guuleysatey  abaal-marinaha Jidka Makkaa, Hano Hadyaddaada iyo Aqoonmaal.

Xafladda lagu abaal-marinaayey macmiishka ku guulaystay barnaamijyaddan ayaa ka dhacday xarunta guud ee shirkadda Telesom ee magaaladda Hargeysa iyo xarumaha ay shirkaddu ku leedahay guud ahaan goboladda dalka.

Ugu horeyn xafladan waxa ka hadley maamulaha Suuq-gaynta ee shirkadda Telesom mudane Cabdiraxmaan Aaden Ismaaciil (Cabdirahman Aar) waxaanu sharaxaad ka bixiyey noocyadda barnaamijyadda abaal-marinaha ah ee shirkaddu ay bilkasta ugu talo-gashay macmiisheeda, hadyaddaha ay shirkaddu bixisay iyo shuruudaha ka qayb-galka barnaamijyaddan abaal-marinta, waxaanu yidhi, “Shirkadda Telesom waxay si Joogto ah  ugu soo celisaa macaamiisheeda Hadiyadda kala duwan, Maantana Halkan waxaan ku bixinaynaa Saddex adeeg abaal marinahoodii oo kala duwan , waxayna kala yihiin, Barnaamijka Hanno-Hadiyaddada, Jidka Makka iyo Aqoonmaal”.

Md. Aar ayaa intaasi ku daray, “Barnaamijka HANO-HADIYADDAADA  waxa ku guuleysta macaamiisha Mobile-ka ka isticmaasha internetka, waxaana lagu abaal mariyaa 42 macmiil, oo La siiyo Hadiyaddo kala duwan ,sida Qasaaalado, Talaagado, Tablet,Smart Phone, Shoolado, shandado, MiFi Telesom, iyo diraysyadda kubada. waana markii saddexaad ee shirkadda Telesom macaamiisha ku abaal mariso hadiyaddo.  Barnaamijka JIDKII MAKKA waxa ka qayb gasha macaamiisha la Hadasha dibada (international Calls), Jidkii Makka waxa abaal marin la bixiyey labadi bilood ee ugu danbeeyey, macmiilka ku guuleysta abaal marinta CIMRO, waxay shirkadu geynaysaa Beytii Barakaysnaa, si ugu soo cimraysto macmiilku,  Iyo Barnaamijka AQOON MAAL oo isaga shirkadu in badan soo waday oo caan baxay, bil walbana la bixiyo abaal marino kala duwan. Macmiilka CIMRO Ku guulaysanaya waxa looga baahan yahay inuu ereyga “Cimro” u soo diraa(111).isaguna waa inuu ka mid yahay macaamiisha dibada la hadasha (international calls). Macaamiisha Aqoon Maal isticmaasha iyagana waxa soo dooraya systemka si Nasiib ah, 52macmiil ee ku guuleysta Abaal marinta Aqoon Maal, ee Hadiyadaha kala duwan lagu bixinayo. Waanu u Hambalyeenaynaa macaamisha ku guuleysatey Hadiyaddaha kala duwan, kuwa aan ku guuleysana ishaa allah kuwa danbe ayaad ku guuleysan doontaan”.

Maamulaha Suuq-gaynta Telesom Md. Aar oo ka hadlay shuruuda ka qayb-galka adeegga Hano hadyaddaada waxaanu yidhi, “Barnaamijyaddani waa barnaamijyo sii socon doona, Macaamiisha doonaysa inay ka qayb qaaten Barnaaminka HANO-HADIYADDAADA, macmiilka wax looga baahan yahay inuu eryga  ‘Abaalmarin’ u soo diro (111). Shuruuda looga baahan yahayna waa inoo mobile kiisa ka isticmaala internetka, fariintu u macmiilku soo dirayo wax lacag ah kama goosaynso, fariintaasi macmiilka waxay u tahay lacag la’aan”.

Dhinaca kale Abaalmarinta Jidka Makka ee CIMRADDA waxa ku guuleysay macmiilka magaciisu yahay Axmed Cabdi Bashiir oo sita Lambarka 063 4882074, Balse ilaa hada aan lahayn, macmiilkan haday cidi garanayso ama haduu isagu fariintan arko waa inuu tagaa xarumaha shirkadda telesom. Macmiilkani wuu ku guuleystay Abaalmarinta Jidka Makka ee cimro.

Maamulaha xidhiidhka dadwaynaha ee shirkada Telesom mudane Maxamed Cabdi Darbo,  maamuluhu ayaad aad ugu dheeraadey taakulaynta iyo caawimadda ay had iyo jeer shirkaddu la garab joogto bulshadeeda, waxaanu hoosta ka xariiqay gurmadkii ugu dambeeyey ee  taakulaynta abaaraha, waxaanu yidhi,  “Shirkadda Telesom waa shirkad Dadka oo dhami wadda leeyihiin gudo iyo dibad ba, anfahaceeduna dadkoo dhan buu wadda gaadhaa, Hadiyaddahan waxaanu u bixinaynaa waa Siduu u adkaaan lahaa xidhiidhka ka dhaxeeya Macaamisha iyo Shirkadda Telesom , macaamishuna u gartaan in shirkaddu macaamiisheeda wax ku soo celiso, sidaad la socotaan Shirkadda Telesom  waxay maalintii dhawayd lacag Nus-malyuun ah gudoonsiiyey Gudiga Taakulaynta Abaaraha, si dadka Abaartu saamaysay wax loogu Qabto, maantana biyo dhaamintii ugu waynay ayaa ka bilaabmaysa Magaalooyin,tuulooyin, iyo goobo badan oo abaartu saamaysay, ugu horeyna waxa bixi doona in ku dhaw ilaa 1300 oo Booyadood,  oo biyo gaadhsiin doona goobaha ay Abaartu saamaysay, In dadka waxa lagu soo celiyaana waxay tilmaamaysaa in sharkadda Telesom tahay shirkad dadku leeyihiin oo u damqanaysa ummadda somaliland”, sidaasi waxaa yidhi Maxamed Dabro.

Maamulaha iib-gaynta shirkadda Telesom  Mudane Cabdiraxmaan Shaqalle ayaa sheeegay muhiimadda ay shirkadda Telesom u leedahay macmiishu iyo sida ay shirkadda uga go’an tahay daryeelka macmiilku waxaanu yidhi, “Waxaan u mahad naqayaa macaamiisha shirkadda Telesom, ee shirkadda ka isticmaasha Adeegyadda kala duwan ee shirkadu bixiso, maantana waxaan u hambalyeenaa macaamiisha maanta abaal marintan ku guuleysay, Abaal marintan oo aanu ugu tallo galnay inaanu abuurno jacayl ka dhaxeeya shirkadda Telesom iyo macaamiisha Naga iibsata adeegyadda aanu bixino, shirkadda iyo macaamisha waxa dhaxeeya xidhiidh wayn, shirkadda waxa ka goan in shaqaalaha wax  ka iibinaya macaamiisha in la tababaro”.

Xasan Aw-xaashi oo ka mid ah macmiisha shirkadda Telesom ee ku guulaystay abaal-marinta ayaa yidhi, “Shirkadda Telesom sidey abaaraha wax uga qabatey iyo baahiyaha bulshadaee waa wayn, aad iyo aad ayaan ugu ducaynaynaa, waanan ugu mahadnaqanaa, ta kale maadaama oo shirkaddu dadkii ay ka dhex xoogsanaysay ay wax ku soo celisana aad iyo aad ayaan ugu mahadsan tihiin”.

Waxa iyadda goobta xaflada abaal marinaha maciisha lagu gudoonsiinayay  ka hadashay gabadh ka mida macaamiisha shirkadda Telesom, oo magaceeda la yidhaa Duniyo, Hadaladeediina waxa ka mid ahaa, “Salaan ka dib, waad ku mahadsan tihiin Hadiyadahaas aan na gudoonsiin anagoo ah macaamiisha shirkada Telesom, Adeegii shirkada Telesom-na waanu sii wadi doonaa ishaa Allaah”.

Qaar ka mid ah macmiishii shirkadda Telesom ee nasiibka u helay inay ka qayb-qaataan daryeelka barnaamijkan abaal-marinaha kala duwan ee bilaha ee shirkaddu ku abaal-marisay ayaa si weyn shirkadda uga mahadnaqay abaal-marintan ay guddoonsiisay, waxaanay shirkadda ku dhiiri-galiyeen inay sii labanlaabta barnaamijyadda noocna oo kale ah ee lagu dhiiri-galinaayo macmiisha shirkadda.

Halkan ka daawo warkan muqaalkiisa:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.