Shirkadda Isgaadhsiinta TELESOM Oo Abaal-marino Gudoonsiisay Macmiishii Ku Guulaystay Abaal-marinaha Bisha February

Hargeysa – (warsoor) – Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa abaal-marino qaali ah gudoonsiisay macmiisha shirkadda ee bishii February ku guulaystay abaal-marinaha barnaamijka Jidka Makka, Hano-hadyaddaada iyo Aqoonmala.

Shirkadda Telesom ayaa xaflad ay ku abaal-marinaysay macmiisheeda waxa ay ku qabtay xarunta guud ee shirkadda, waxaanay abaal-marino lagu gudoonsiiyey 22 qof oo kamid ah 94 macmiil ee bishii February ku guulaystay abaal-marinaha billaha ee shirkaddu bixiso, waxanay macamiishan intooda badani kala joogaan goboladda dalka.

Abaal-marinta ugu weyn bisha February waxaan barnaamijka Jidka Makka ku Guulaystay Maxamed Cabdi Nuur oo ah nin dhalinyaro ah oo ku nool magaaladda Hargeysa.

Munaasibada abaal-marinaha billaha ah ee shirkadda Telesom ee lagu gudoonsiinaayey macmiishii ku guulaystay barnaamijkan waxaa ka soo qayb-galay qaar ka mid ah maamulka shirkadda iyo macmiishii ku guulaytay abaal-marinta qaarkood ee ku nool magaaladda Hargeysa.

HALKAN KA DAAWO WARKAN:

Ugu horayn xafladdan abaal-marinta waxaa ka hadlay maamulaha Waaxda Iibka ee shirkadda Telesom Md. Cabdiraxmaan Shaqale, waxaanu ugu horayn u hambalyeeyey macmiishii ku guulaystay abaal-marinta waxaanu ka warbixiyey dadaalka ay shirkadda Telesom ugu jirto inay macmiisheeda u keento adeegyo tayo leh oo raali-galiya macmiisha.

Cabdiraxmaan Shaqale oo ka hadlaya tiradda macmiisha shirkaddu ay abaal-marisay ayaa yidhi, “Abaal-marintan maantu waxay ka kooban tahay 1 qof oo ku guulaystay Jidka Makka oo ah in cimradda la geeyo lagana soo celiyo, hano hadyaddaada oo ay ku guuleysteen 42 macmiil oo goboladda shirkaddu ka hawl-gasho ku guulaystay, 51 macmiil oo ku guulaytay abaal-marinta Aqoonmaal”.

Macmiishan guulaystay ayaa shirkadda Telesom gudoonsiisay hadyaddo iskugu jiray Talaagado, qasaaladdo, shoolaha SOMGAS-ta ee cuntadda lagu karsaddo, moobaylo smartphone ah, tablets, Mifi-yadda Internet-ka xambaara iyo abaal-marino kala duwan oo kale.

Maamulaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda Telesom Md. Maxamed Cabdi Darbo  ayaa ka hadlay noocyadda abaal-marinaha ah ee ay shirkadda Telesom macmiisheeda siinayso, waxaanu yidhi, “Hadyadda Jidka waxaanu ugu talo-galnay dadka dibadda la hadla, hano hadyaddaada waxaanu ugu talo-galnay dadka Internet-ka ka isticmaala moobaylkooda, halka adeegga aqoonmaal-na aanu ugu talo-galnay dadka siticmaala adeegan”.

Md. Darbo oo ka hadlay sida shirkada Telesom u noqotay shirkad hogaaminaysa tiknoolajiyadda isgaadhsiinta dalka waxaa uu yidhi, “Isgaadhsiinta Telesom waa isgaadhsiinta ugu balaadhan dalka, ugu weyn, uguna tayadda badan, waa shirkadda ugu tiknoolajiyadda fiican, uguna shaqaalaha iyo nidaamka wanaagsan shirkaddaha dalka, waxaan shirkadda tusaale u ah horumarka dalka.  Waxaana taa ugu wacan waa shirkadda la wadda leeyahay oo ummadda Somalilandland oo dhan wadda leedahay”, sidaasi waxaa yidhi Maxamed Cabdi Darbo.

Qaar ka mid ah macmiishii ku guulaysatay abaal-marinihii Jidka Makka, hano hadyaddaada iyo Aqoon-maal ayaa sheegay inay aad ugu farxeen abaal-marinta ay shirkadda Telesom gudoonsiisay iyo sida ay nasiibka ugu yeesheen inay ka mid noqdeen macmishii ku guulaysatay  abaal-marinta bisha February, waxaanay shirkadada uga mahadnaqeen abaal-marinaha qaaliga ah ee ay gudoonsiisay, waxaanay shirkadda ka dalbadeen inay sii waddo abaal-marinaha noocan oo kale ah ee ay macmiisheeda ku celinayso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.